24 qof ayaa lagu dilay xero gargaarka lagu qaybiyo oo Qasa ku taalla, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadku

Agaasimaha Guud ee cisbitaalka Nasser ee Khan Younis ayaa sheegay in 24 qof ay dhinteen 37 kalena ay ku dhaawacmeen “kaddib markii ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo gargaar ku sugayay Rafah.

Waxa uu sheegay in dhamaantood la geeyay cisbitaalka, ayna u badan yihiin dhaawacyo rasaas ah.

Ciidammada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay in ay rasaas rideen kadib markii uu “tuhun” ka abuurmay meel u dhow goob gargaar lagu qaybinayay, ayna ka warheleen khasaaraha ka dhashay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker