Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan sagootin ah la yeeshay Marwo Wafaa Siciid oo ah Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Somaliland

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Marwo Wafaa Siciid oo ah Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Somaliland ee xilka ka sii degaysa iyo xubno sare oo ka tirsan Xafiiskeeda.

Kulanka waxaa ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Wasiirrada Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Arrimaha Bulshada, Dawladaha Hoose iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta.

Ugu horrayn, Marwo Wafaa Siciid waxa ay Madaxweyne ku xigeenka ku hambalyeysay guushii doorashada Madaxtooyada iyo hannaanka nabadgelyada ah ee Somaliland xilka loola kala wareegay. Sidoo kale, waxa ay Xukuumadda ku bogaadisay juhdiga badan iyo dedaalka ay ku bixisay nabadaynta Gobollada Bariga iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah.

Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Somaliland waxa ay Madaxweyne ku-xigeenka JSL uga mahad celisay wada-shaqaynta wanaagsan ee Hay’adaha Qaranka JSL ay la leeyihiin Hay’adda UNICEF ee Somaliland.

Marwo Wafaa Siciid waxa ay Madaxweyne ku-xigeenka war bixin guud ka siiyey xaaladda carruurta Somaliland, taageerada iyo iskaashiga ay UNICEF la leedahay Dawladda JSL iyo hay’adaha ka farcama, si loo hubiyo ilaalinta xuquuqda carruurta Somaliland, iyo sidoo kale taageerada muhiimka ah ee ay UNICEF ka geysato bixinta adeegyada aasaasiga ah, Caafimaadka iyo Nafaqeynta, Waxbarashada, Biyaha, Nadaafadda iyo Fayadhowrka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Xubnaha Wasiirrada ah ee ka hadlay kulanka waxa ay dhammaantood madaxda sare ee UNICEF Somaliland uga mahad naqeen taageerada ay Hay’addani ku bixiso horumarinta nolosha carruurta iyo bulshada jilicsan ee Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay taageerada muhiimka ah ee ay UNICEF ka geysato adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo fayadhowrka iyo ilaalinta carruurta, isaga oo sheegay in ay Somaliland ka go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta UNICEF si wax looga qabto arrimaha mudnaanta u leh horumarinta bani’aadamka, gaar ahaan carruurta.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu haweenayda xilka ka sii degaysa u rajeeyey mustaqbal wacan, isaga oo rejo fiican ka muujiyey sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda ay Hay’adda UNICEF ka hirgeliso Somaliland, isla markaana loo sahamin lahaa kuwo cusub oo wax ka tari kara arrimaha mudnaanta u leh Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker