Taci tiiraanyo iyo murugo leh, marxuum , Aqoonyhayan, Axmed Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,oo dalka Boqortooyda Sucuudi Carabiya ku geeriyiiday
انا للة وانا الية راجعون
Marxuum,Aqoonyahan,Axmed Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,wuxuu ahaa saaxiibkay iyo walaal agtayda qiimo & qadarin badan ku leh,waxaanan ahayn isku hadaf,yoolkayaguna wuxuu ahaa sidii dalkeena hooyo uu u heli lahaa aqoonsi caalami ah,waxaanu tacab badan ku bixiyey inuu magaca Somaliland iyo waxay u taagan tahayba uu saxaafada caalamka u gudbiyo ,kuna difaaco.Sida aynu la wada socono,Aabihii,marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,Rabbi naxariistii janno fardawsa ha ka warrabiyee,wuxuu ahaa Halyeyegii,Aabihii & Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland ,ee dhidibada u taagay dalkeena hooyo, nidaamka dawladnimo ee aynu maanta ku naaloonayno u qotomiyey….Geesi innaga baxoo ,guul dhashuu ahaa.
Marxuum,Aqoonyahan,Axmed Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,wuxuu ahaa Aqoonyahan Sare ,waxaanu shahaada BA (Economics & Politics),ka qaatay Warwick University,ee dalka Ingiriiska,shahaadada MA (Area Studies/African Development) ,wuxuu ka qaatay London University,ee isla dalka Ingiriiska.
Waxaan saaxiibkay,walaalkay,marxuum,Aqoonyahan,Axmed Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,aan Allaha awooda leh uga baryayaa,una weydiinayaa,inuu janno Fardawsa ka waraabiyo,danbi dhaaf u fidiyo,iilka u nuuro,iilka u waasiciyo,neecaw udgooniyo,ku siiyo naruuro, dhammaanteena samir yo iimaan saadiqa innaga siiyo,aamiin.
انا للة وانا الية راجعون
Eng. Mohamed Ali Muse
19 March,2020