Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo sheegay inuu filayo in sannadkan la helo aqoonsi
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sannadkan ay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah.
Wasiirka oo ku sugan dalka Maraykanka, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Somaliland ee qurbajoogta ah iyo guud ahaan reer Somaliland inay gacmaha isqabsadaan si loo hirgeliyo riyadan.
“Sannadkan ilama aha in ictiraafku inala dhaafayo, waxa kaliya ee aynu u baahan nahay waa in aynu gacmaha isqabsano, isku duubnaano, dhammaanteen ka wada shaqayno sidii aynu u heli lahayn ictiraaf, qalbiyadeenna iyo quluubteenna midayno,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan.
Wuxuu sheegay in sannadba sannadka ka dambeeya ay sii xoogaysanayso doonista qaranimo ee reer Somaliland, isla markaana shacabka Somaliland ay muujiyeen go’aankooda ah in aanay waligood ka tanaasuli doonin ilaa ay gaadhaan madaxbannaani buuxda.
Wasiirka ayaa toddobaadkii u dambeeyay kulamo la yeeshay xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Maraykanka kuwaas oo u ololeeya qaddiyadda Somaliland, isaga oo sheegay in danaha Somaliland iyo Maraykanku ay yihiin kuwo la mideyn karo.
Somaliland ayaa taageero ka heshay tiro kamid ah xildhibaannada Senate-ka iyo Koongareeska Maraykanka, waxaana jira xeer loo gudbiyay labada gole oo lagu doonayo in Somaliland lagu aqoonsado.