Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL oo Shahaadada Saxnaanta Bamka Shidaalka gudoonsiiyey qaar ka mid ah kaalmaha shidaalka
Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Mukhtaar Maxamed Cali ayaa maanta Shahaadada Saxnaanta Bamka Shidaalka gudoonsiiyey qaar ka mid ah kaalmaha shidaalka ee ku yaal Caasimada Hargeisa, kuwaas oo buuxiyey heer-tayeedka Cabirka bamka shidaalka.
Ugu horayn, waxaa faahfaahin ka bixiyey muhiimada ay leedahay in sixitaan lagu sameeyo bamka shidaalka Agaasimaha Waaxda Cabiraadaha Abdifatah Ahmed Hurre, isagoo sheegay ujeedka laga leeyahay ay tahay In la xaqiijiyo saxnaanshiyaha cabireed ee bamamka shidaalka, In la waafajiyo heer-tayeedka Dalka, In la ilaaliyo macaamiisha shidaalka gadanaya iyo kaalmaha shidaalkaba in aan midna khasaare soo gaadhin iyo In ganacsiga ka dhacaya kaalmaha shidaalku uu noqdo mid cadaalad ah.
Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Mukhtaar Maxamed Cali ayaa ugu hambalyeeyey kaalmaha buuxiyey heer tayeed cabirka bamka shidaalka, waxaanu faray kaalmaha kale ee aan weli qaadan Shahaada saxnaanta cabirka inay sida ugu dhakhsaha badan u qaataan si cabirka bamka shidaalku u noqdo mid laysku halayn karo.