Netanyahu oo ka hadlay toogashada shaqaalaha ka tirsanaa safaaradda Israa’iil
Goor dhow waxaa la shaaciyay magacyada lammaanihii Israa’iiliyiinta ahaa ee lagu toogtay banaanka madxafka Israa’iil ee Washington, waxayna kala yihiin Yaron Lischinsky and Sarah Milgram..
Raysal wasaaraha Israaโiil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in uu โaad uga carooday dilka naxdinta leh ee naceybka ku saleysanโ, waa sida uu hadalka u dhigayee, xili uu ka hadlayay dilka labada qof ee Israaโiiliyiinta ah loogu geystay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Waxaa uu dhanka kale farriin tacsi ah u diray qoyska dhibbanayaasha toogashada lagu dilay xili ay ka soo baxayeen madxafka Israaโiil oo ku yaala Washington.
“Waxaan si toos ah u soo jeediyay in la xoojiyo ammaanka howlgallada Israaโiiliyiinta ee guud ahaan caalamka iyo wakiillada dowladda.”, ayuu yiri Netanyahu.
Safiirka Israaโiil ee Mareykanka, leiter, ayaa sheegay in Donald Trump u uku wargeliyay in mamulkiisa ay sameyn doonaan wax kasta oo lagula dagaallamayo yahuud naceybka.