Sheekh Shariif oo ka hadlay dagaalada ka socda Soomaaliya iyo waxa sababay

Iyadoo lagu guda jiro todobaadka xoriyadda, ayaa madaxweynihii hore ee Soomaliya, Shariif Sheekh Axmed sheegay, inay dhibaato ka jirto meelo badan oo uu daadanayo dhiig Soomaaliyeed oo laga baaqsan karo, lana arki waayay bisha xormada leh iyo dhiigga xormada leh sida u sheegay.

“Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, shacab iyo masโ€™uulyiinba waxaan ka codsanayaa in la joojiyo dhiiga daadanayo”, ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay dalka ka joogaan dibedda, kuna dhibaateysanyihiin in kabadan 30 sano. Dagaallada sokeeye iyo dhiigga daadanayo waxaa aasaas u ah cadaalad darro iyo dulmi dhexdeena ah”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Tiro dad ah ayaa ku dhintay halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen dagaal dhawaan ka dhacay magaalada Garowe. Laba maalmood kahorna, dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Laascaanood aya galaaftay nolosha ku dhowaad 8 qof..

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker