RAADKII AAN DORAAD DHIGAY MIYAAN DIB UGU SOO LAABTAY WAA BEESHA-DHEXE
Nin Philosopher ahaa oo u dhashay dalka Denmark baa lahaa xigmad tidhaa nolosha dunida waa inaad adigoo xagga dambe u jeeda aad horuu socotaa. MADAXWEYNE MUSE IYO WASIIRKA DAAKHILIGU XIGMADDAA WAY KHILAAFSANYIHIIN OO IYAGU DIB IYO WIXII LA SOO DHAAFAY BAY DAAWANAYAAN OO DIBNA WAY U SOCDAAN. Waa arinta shacabka SOMALILAND ay ku kala qaybiyaan si ay Kursiga ugu fadhiyaan oo ay siyaasadda ma dhalayska ah ku campaign gareeyaan shacabka boqolkiiba todobaatan waa Somaliweyn boqolkiiba 25 baa reer SOMALILAND ah boqolkiiba shanta waa Gabooye oo weligood Xuquuq da bilaadnimo waxba looga ogola. Arintaasi waxay inagu celisay inay SOMALILAND nimadii mar sida cadceedda u soo baxday dib looga noqdo oo maanta qalbiga dadka aanay kuna jirin waayo maamulka Kulmiye dib buu wadanka u celiyey oo himilo wadanimo oo shacabka ka dhexeysaa ma jirto. U fiirsada waxaa lagu hadlaa in dalka la kala leeyahay oo siyaasad xumo keentay gobolo ka baxeen SOMALILAND, dhaliyaradii Jamacadaa kasoo baxay markii ay fahmeen Madaxweynaha Khudbadiisu iyo wuxuu xafiiska ku dhex qabtaa inay kala jaad yihiin inay Mogadisho u dareereen oo fursado u raadsadeen. Siyaassadda Kulmiye Awdal waxay tustay inaan loo baanay, Sannaag bari iyo Sool wey tageen qaarna waxaa hoos u socda beri dhaw inay Dawlad Goboleed u gaara ku dhawaaqayaan. Waxaa inoo Muuqda inuu madaxweyne u dhaqmayo sidii maamuladii shan boqol oo sano ka hor dhulalka Carabta u dhami jireen oo wax walba laga baryayo oo uu isna shaqadiii wadanka iyo institutions ku qaban lahaaayeen uu isku koobay oo ku dhex dawakho oo qudbadihiisii noqdeen sheeko mafrisho miidhan. Wax waloo hore inoo soo maray dib bay usoo noqonayaan iyagoo bilaa milixa. Gudidii Doorashooyinka ee la soo dhaafay Madaxweynahaa kelifay ummadda in dib loogu soo celiyo markii dad aan sharcigu ogolayn uu ogayn iyo ula kac u keenay meeshii oo uu gurigiisa ku dhaarsaday oo socdsiiday isagoo aan institutions kii arinka la lahaa oo dhan miiskii ka caydhiyey dunidiina way ina DAAWANAYAAN isla markaana toogasho ku bilaabay dad xidhan oo reero uu jeedo u badan taasi waxay keenaysaa kacdoon ummadeed oo qarka u saaranahay. Dawladnimo waa system ummadu wadashaqeeya hadduu wadaadaa laga baydho wuu dumaa wuxuu socdaba waayo shacabku markuu ogaaado inaan dawladi u shaqayn ee wax walba uu private noqdo dawladnimo wey itaal daraysaa Madaxweynuhuna wuu qiimo beelaa.