Dawladda Federaalka ah ee Somalia oo War kasoo Saartay Muwaadiniinteeda Lagu dhibaataynayo Gudaha Dalka South Africa

Muqdisho (OWN) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul uga hadlay rabshadaha iyo dhibaatooyinka dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto loogu geysanayo gudaha dalka Koonfur Afrika.

War ka soo baxay Xafiiska wasiir Maareeye ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay si u dhow ula socota boobka iyo rabshadaha ka socda dalkaasi, islamarkaana ay aad uga xun tahay.

Sidoo kale waxa ay dowladdu ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika in ay muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah.

Halkan hoose ka aqriso:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay maalmahan ishaa ku haysa rabshadaha ka dhacaya dalka South Africa oo ay ku noolyihiin muwadiniin Soomaaliyeed oo u badan Ganacsato kuwaasoo weeraro lagu qaaday Sanooyinkii lasoo dhaafay iyo rabshadaha hada dhacayaba ay kasoo gaadheen waxyeelo nafeed iyo mid hantiyeed.

 

Dowlada Soomaaliya waxay ka xuntahay falalka boobka iyo barakicinta ah ee loo gaysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ganacsigooda, waxayna ka codsanaysaa dowlada South Africa inay ilaaliso oo ay damaanad qaado badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda.

Ugu danbayn, dowladda Soomaaliya waxay muwaadiniinteeda deggan dalka South Africa ugu baaqaysaa in ay feejignaan iyo taxadar dheeri ah muujiyaan hadba wixii soo kordhana lawadaagaan safaaradda Soomaaliya dalka South Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker