Magaalada Laascaanood Oo Tarxiilay Boqolaal Qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya

Ciidamada Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka   masaafurinaya boqolaal qof oo ku noolaa magaaladaasi, kana soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Dadka maanta Somaliland ay tarxiishey   ayaa lagu eedeynayaa inay ku lug leeyihiin amni-darro iyo dilal ka dhacay magaalada Laascaadood.

Dadkan ayaa xalay iyo shalay waxaa magaalada ka qabqabtay Booliiska Somaliland ee ka howlgala Laascanood, waxaana la isugu geeyay xalay garoonka ciyaaraha Cabdi Bille, iyadoo saaka loo diyaariyey gaadiid waaweyn oo u soo daabulaya koonfurta Somalia.

Booliska ayaa beegsaday dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya guud ahaan kuwaasoo ay ugu badan yihiin kuwa ku hadla lahjada Maayga ee ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool, waxaana laga qabqabtay goobahooda ganacsiga, suuqyada iyo xaafadaha

Taliyaha Booliska gobolka Sool G/dhexe Axmed Cabdullaahi Cabdi. ee Somaliland ayaa sheegey inay ajnabi yihiin dadka kasoo jeeda Soomaaliya, ayna ula mid yihiin Itoobiyaanka.

“Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi waxay noola mid yihiin Itoobiyaanka waana ka saaraynaa Laascaanood, annaga waxaa nala yidhaahdaa Somaliland, Soomaali ma nihin waxbana nooma gelin” ayuu yidhi G/dhexe Axmed Cabdullaahi Cabdi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker