Degaanada Puntland Oo Dad Hor Leh Ugu Geeriyooday Cudurka COVID-19

Tirada dadka deegaanada maamulka Puntland ugu geeriyoodaycudurka Coronavirus ayaa sii kordhaysa waxaana ay gaartay 5qof, kadib markii wasaaradda caafimaadka Puntland ay sheegtay in qofkii 5aad uu magaalada Galkacyo ugu geeriyooday xanuunka.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda caafimaadka maamulkaas ayaa waxaa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay cudurkaan laga baaray 24-qof waxaana laga helay 13-ruux taas oo ka badan labadii maalmood ee la soo dhaafay sida dadka laga helay fayruska.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in 13-ka qof ee laga helay cudurka Corona 6 ka mid ah ay yihiin Rag halka 7 ay dumar yihiin waxaana ay kusii baaqaysaa wasaaradda caafimaadka Puntland in la joogteeyo ka hortagga xanuunkaan.

 

Dadka laga helay 5- ka mid ah waxa ay joogaan magaalada Galkacyo Gobolka Mudug, 4 ruux waxay joogaan Boosaaso ee Gobolka Bari halka 4 ruuxna ay joogto magaalada Garowe Gobolka Nugaal,Dadka la baaray ayaa da’dooda udhaxeeysay 23 ilaa 33-Sano.

 

Tirada Dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa gaartay guud ahaan 111 qof, waxaa dhintay 5 ruux waxaana ka bogsooday 3-qof.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker