MAALINTII UGU HORAYSEY EE QAADKA LAKEENAY CEERIGAABO IYO MAGACII LOO YAQAANEY

MAALINTII UGU HORAYSEY EE QAADKA LAKEENAY CEERIGAABO IYO MAGACII LOO YAQAANE

Waxay ahayd waqtigii lasamaynayey waddada TABCA (jidka isku xidha Ceerigaabo–Maydh) magaaladuna (Ceerigaabo) way yarayd, markaa anigiyo nin kale oo wada soconna ayaa subax waxannu aragnay nin gidaar lafadhiya wax durfi kuduuban oo curubta laamo lasoo guray u’eg oo kala xidhxidhan dhawr qofna dul taagan yihiin, wuxuna kudhawaaqayey “Harawaaje Harawaaje Harawaaje”.
Waannu usoo baydhnay oo agtiisa istaagney si aannu bal u eegno geedahan iyo waxa lagu falo, haddaanu sheekadii waxoogey dhegeysanney oo dareennay in waxani yahay geed bal wadeed.
Cabaar kaddib waxa goobtii yimid oo wixii baayacay oo iibsadey laba nin oo reer galbeedkii waddada, kashaqaynayey ah, waannu sii eegnay labadii nin waxayna Harawaajihii la galeen guri loo yaqaanney “Gurigii Hablaha”, halkaas markuu galay ayaanu nidhi waar wuxu wax wanaagsan maahee inaka mari.

Sheekadan waxa Ii sheegay Cali Ciise oo kamid ah odayaasha da’da weyn ee reer Ceerigaabo.

(Qalinkii Darwiish)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker