Taliya Itoobiyaan Ah Oo Loosoo Magacaabay Ciidamada AMISOM

Taliya cusub ee howl-galka midowga Afrika ee AMISOM ayaa loo Magacaabay ,Jeneraal; Tigabu Yilma Wondimhunegn, oo kasoo jeeda Dalka Itoobiya, kaas oo beddelaya, Jeneraal; Jim Beesigye Owoyesigire, oo xilka hayay tan iyo January 2018.

 

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa guud ee howl-galka Amisom, Francisco Caetano Madeira, ayaa goob-joog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta Labada taliye.

 

Francisco Madeira, ayaa taliyaha cusub kula dardaarmay in ay hortaallo shaqo, wuxuuna sheegay in howl-galku uu yahay mid aad u ballaaran, balse uu si fiican ugu kalsoon yahay inuu kasoo bixi karo waajibaadka ka saaran xoojinta Amisom.

 

Taliyaha cusub ee Amisom Jeneraal; Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa leh Khibrad Milliteri oo gaareysa 34 Sano , isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay hoggaanka Ciidanka difaaca Itoobiya ee ENDF loo yaqaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker