Hambalyo madaxweynaha JSL ,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh ee uu u maamusay ,Duuliye Axmed Maxamed Xasan iyo hal soo jeedina..

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba, idinku salaamaya salaanta islaamka,asalaamu calaykum waraxmatu laaahi wabarakaatu.
Waxaan Allaha awoodda leh weydiisanayaa,inuu dhammaanteenba innaga yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana,khaatumadana kheyr ugu khatimo,amin.

Aan u daa dago dulucuda qoraalkan iyo ujeedada aan ugu holaday qalinka.Waxaan hambalyo iyo ducaba aan u dirayaa madaxwenaha Jamhuuriyda Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh,ee isagoo ka wakiila shacabka Somaliland,uu u maamuusay,u soo dhaweeyey,u karaameeyey, Biladda ugu sareysa Qaranka Somaliland u guddoonsiiyey,Duuliye Axmed Maxamed Xasan,oo damiirkiisu iyo dadnmadiisuba u ogolaan weyday inuu diyaarad ku duqeeyo shacabkii magaalada Hargeysa,balse Duuliyayaashii la midka ahaa ay maanta gacmahooda dhiigu ka gob’o laynayo,ka dib markay xasuuqeen shacab iyo maati aan waxba galabsan,xisaabtii aakhirana sugayso.

Walaw aynaan Duuliye Axmed Maxamed Xasan,khatarta uu naftiisa galiyey & abaalkiisaba aynaan marnaba gudi karin,waxaan Allaha awooda leh uga baryayaa in maalinta la qatan yahay,ee loogu baahi badan yahay,uu miisaanka xasanaadka ugu daro,kana yeelo adoomada uu Rabbi raaliga ka noqdo,adduun & aakhiraba,amin.Taa waxaan ku lingixi lahaa,soona jeedinayaa,mar haddii aynu guri uu dego dalkeena Somaliland uga dhisanayno,aynu mushahar inta uu nool yahayna u qorno,oo walaalkeen nabadaa iyo nimcadaa uu Rabigeen Tabaaraka Watacaalaa inagu arsaaqay,ha inagula noolaado.


Halna aan hawada u mariyo Duuliye Axmed Maxamed Xasan.Magaca iyo Geesinimadu,waata la kasbado maalinta xaaladu u dhaxeyso geeri iyo nolol,loona kala baxo gacan ku dhiigle iyo Geesi xaq u dirira.Waxaad muujisay Geesinimo,waxaad qaadatay go’aan adag,waxaanad kasbatay shucuurta & quluubta shacabka Somaliland.Taariikda aan duugoobin ee dalka Jamhuuriyada Somaliland,baal Dahaba ayaad kaga qoran tahay,meel walba oo shacabka Somaliland
ku nool yihiina,waxaad agtooda ku leedahay magac,sharaf,karaamo,walaalkayo ayaanad tahay.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkaygan kooban,hambalyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh ee uu
u maamusay Geesiga,Duuliye Axmed Maxamed Xasan,waxaanan soo jeedinayaa,mar haddii aynu guri uu dego dalkeena Somaliland uga dhisanayno,aynu mushahar inta uu nool yahayna u qorno,oo walaalkeen nabadaa iyo nimcadaa uu Rabigeen Tabaaraka Watacaalaa inna siiyey,ha inagula noolaado.

Wabillahi Tawfiq,

Eng. Qoraa: Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Senior Certified Network Specialist
| CNA | CCNA | MCP | FCNSA | A+ |
31 October,2020

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker