Ismaaciil Haniyah oo hadda gurigiisa la weeraray horey ayuu dil uga badbaaday

Madax siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyah waxa uu ku nool yahay dibeda Qasa, si gaar ah Qatar. Ma ahan meel ay si fudud u bartilmaameydsan karto Israel.

Muuqaal uu baahiyay xafiiskiisa waxa uu muujinayay isaga oo ku sugan Dooxa, oo u debaaldegaya weerarka ay kooxdiisu ku qaaday Israa’iil toddobadii bishii Oktoobar.

Waxa uu ugu yeeray weerarka ‘Howlgalka daadka ee Qasa’ isaga oo wacad ku maray inay sii xoojinayaan dagaalka ay doonayaan inay ku ‘xoreeyaan dhulkooda iyo dadkooda ku jira xabsiyada Israa’iil’ sida uu sheegay.

Waxa uu intaa ku daray IN kooxaha kale ee hubeysan ee Falastiin ay dagaalka ku fidin doonaan Daanta Galbeed iyo Qudus.

Waxa uu horey uga badbaaday isku day shirqool dil oo ay fulisay Israa’iil, isaga oo ka qaxay Qasa sanadkii 2016-ka markaas oo uu u guuray dalka Qatar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker