Xabbad-joojinta Qasa ayaa gashay maalintii saddexaad, Qaramada Midoobayna waxay ku baaqday in la kordhiyo si uu gargaar badan u gaaro.

Xabbad-joojinta ku-meel-gaadhka ah ee ay ku heshiiyeen Xamaas iyo Israa’iil oo soconaysa muddo afar maalmood ah, ayaa gashay maalintii saddexaad, waxana lagu baaqay in lagu kordhiyo maalmo kale oo dheeraada.

Maanta oo Axad ah, waxaa la filayaa in la sii daayo la haystayaal badan oo Israa’iiliyiin ah iyo maxaabiis falastiiniyiin ah kaddib markii lagu guuleystay in la sii daayo laba kooxood Jimcihii iyo Sabtidii.

Gawaarida xamuulka ah ee gargaarka bini’aadanimo wada ayaa tagaya marinka Gaza ee go’doonsan, aadkana u burbursan kaddib markii in ka badan bil iyo badh ay Israa’iil duqeymo ba’an ka geysanaysay.

Duulaanka Israa’iil ee Qasa ayaa ka dambeeyay weerarkii aan horay loo arag ee Xamaas ku qaadday magaalooyin ku yaalla koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Jimcihii iyo Sabtidii, Xamaas ayaa 26 la hayste oo Israa’iiliyiin ah oo qaarkood ay haystaan dhalasho kale ku wareejisay guddiga caalamiga ah ee Laanqayrta Cas, halka Israa’iilna ay sii daysay 78 maxbuus oo Falastiiniyiin ah.

Muddo laba maalmood ah, Xamaas waxay kaloo sii daysay 15 ajaanib ah oo aan Israa’iili ahayn, taas oo aan ku jirin heshiiska.

Iyadoo la fulinayo qodobbada heshiiska, 268 baabuur oo sida gargaar ayaa galay Gaza Sabtidii, 61 ka mid ah waxay sideen biyo, cunno iyo dawooyin la geeyay waqooyiga Marinka Gaza, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, waxayna ku baaqday in la kordhiyo mudadda xabbad joojinta si loogu oggolaado in gargaar badan uu gaaro Marinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker