“Aad baan uga xumahay in Koore Maanta lagu yidha halkan Gunno ayuu ku jooga”Wasiir Kaahin.

Wasiirka wasaaradda  arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa wax laga xumaado ku tilmamay in xisbiga WADDANI wasiir Koore ku tilmaamo shakhsi Somaliland ku jooga guno, wasiirka ayaa sidoo kale ka jawabay waraysi uu bixiyay guddoomiyaha wakiilada Somaliland mudo ka hor.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin  Axmed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Aad iyo aad baan uga xumahay si shakhsi ah in Koore maanta lagu yidhaa halkan gunno ayuu ku joogaa, sarkaal ciidamada ah ayuu ahaa, ana da’ dii naga yar yarayd, ayuu ahaa, 14 cisho kadib markii SNM dhulka soo gashay ragii aanu ku kulanay Oog ayuu ahaa”

 

Wasiir Kaahin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.”Ayaan dhawaydna waxan maqlayay dad leh dadka gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer daga dad macno leh oo la taaban karo kamay iman, ee dadka hada yimid ayaa ugu soo horeeyay, taariikh xumooyinka Somaliland ka dhacaya ayay kamid tahay”

 

Xogeeyaha guud ee xisbiga waddani ayaa wasiir Saleebaan Cali Koore, ku eedeeyay in uu Somaliland ku joogo gunno, sidoo kale afhayeenka golaha wakiilada ayaa waraysi uu bixiyay muddo kahor ku sheegay in haldoorkii gobolada bariga Somaliland anay Somaliland joogin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker