Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dil toogasho ah ku Xukuntay dagaalame ka tirsan AS

Maxkmadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday dagaalame ka tirsan AL-Shabaab, kaasi oo gacanta lagu dhigay xili uu dil gaystay, sida ay Maxkamaddu sheegtay.

Ibraahim Aadan Maadeey Afgarashadiisuna tahay Cabdiraxmaan ayaa Ciidanka ammaanku gacanta ku dhigeen horaantii sanadkaan, waxaana xiligaasi uu Gurigeeda ku hordilay marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed, waxaana dilkaasi uu ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday kow iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda  ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey Dil toogasho oo ah qisaastii Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker