Laamaha ammaanka Dowladda Somaliya oo gacanta ku dhigay gaari AS hub u waday

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaari dagaalamaayasha AL-Shabaab hub iyo saanad u waday.

Gaariga oo ah nooca loo yaqaanno Leylo ah ayaa sidoo kale dawo u waday dagaalamaayasha AL-Shabaab,  waxaana lagu qabtay soohdinta ay wadaagaan gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Maraay-suuley oo u dhow deegaanka Mesegawaa.

Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ururka 86-aad ee Guutada 77 ayaa fuliyey howlgalka lagu qabtay gaarigaas, waxayna ciidanku soo bandhigeen sawirrada gaariga la qabtay iyo qeybo ka mid ah agabka.

Maalmihii lasoo dhaafay howlgallo is dabajoog ah ayaa ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee dhaca soohdinta labada gobol ee Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker