MAANSO LA YIDHA . AROORAAN BIYABA GAADHI KARIN SHEEG IBTILO HAYSA
Lixdan kii anoo waafiyooy
Ii irmaan ta hayna
Afarteeda naas caani-hii
Laga adiidaayo
Oy ardaaga wada teed sanyiin
Jaar udgoon badani
…
Xoorkoo afkaa sare maroo
Arag daruureed le
Aqalada ukala qaybiyaan
Innamadii beeshu
Orka iyo ciyaaraana fiid
Ililigtii yeedho
…
Aroos-kio sidii dhaqan ahaa
Guur abaabulan-yay
(ALLA ) mahadi joognoo nimcadu
Idilba saamaysay
Ardayduna dawaaddii marshaan
Qalin astaan-tooda
…
Ingiriisna naga dhoo-fayoo
Aaday gurigiisa
Talo noo iftiin-tiyo kalgacal
Hawdka loo orodye
Intoodii kalaan doonay iyo
Duul iskaashada,e
…
Ooddaa ku kala xeeran-baan
Goostay wada aase
Aflibaax inaan gelayabaan
Cidina eegayne
Abris iyo intii bahala- oo
Gaal addoon-sanayay
Aqoontoodu wada gaaban-taan
Aakhir hoosgala-ye
…
Arxan-yari sidii ay rabaan
Adhaxda lay boobye
Indheer garad horraan-tiiba arag
Eelkan soo maqan
Inqilaabki waatuu fashilay
Aan aflixin gore
Rajaduba markay awdan-Tee
Iilku wada yeeshay
…
Al jasiira lagu gawracaa
laysla oogsada-ye
ayaantaa sidii loo kacee
fiintu wada oyday
inkastaba ha gaadhee markale
oohow soo noqoye
inta oolka wada sheegataa
kuu aqbalay maalin
…
Ayaanteeda gobanimo halkii
Laysku aamina-yay
Aagii togdheer-baa la sudhay
Arag-qurxoo-niiye
Albaabada jannada loo furkii
U amranaa beesha
In axmed calaa soo sudhoo
Kuu awala-haaye
…
Isagana cigaal baa ku xigay
Taagna udub kiiye
Amar ( ALLA ) riyaalaa ku yimi
Dhimasho awgeede
Amaaguurka waa tay mar kale
Orod ku saareene
Umal iyo cadhaan qaadayoo
Waan inkiray taase
…
Sideebaan estii ( SNM )loogu shubin
Aad usoo qoraye
Waxa aan inbadan raadin jiray
Galayna uur kayga
Bal sidaa itoobiya maxaa
Adiga kuu diiday
Ehelkeeda yaan siininoo
Kala irdhaynaaya
…
Naafada idlaatee xanuun
Wada abaadeeyay
Estu (SNM ) maalintay qabata-bay
Heli abaal koode
Faliidhada ku wada aasan-bay
Aayar soo guriye
Aqaliyo dhulweyn-baa la siin
Ku istaree-xaane
…
Bal hadday ayaantii timoo
Eeba nagu deeqay
Agoon-tiyo side naafadii
Loogu agabee-yay ?
Aabbahood sideebaad fariin
Iilka ugu geysay?
Axmad iyo maxay guurtidii
Idilba gaadhsiisay ?
Asalkaba inay noolyihiin
Cidi ma soo eegtay?
…
Ashkatada Malaga yeelayoo qasriga
Maba la aadsiiyay?
Cabdiweli waxay oon qabeen
Maw onkoday roobku ?
Moorada haddaad eegtay iyo
Tii abwaan-nimada
Ifa faala-heediyo haddaad
Arag ku faalayso
…
AROORAAN BIYABA GAADHI KARIN
SHEEG IBTILO HAYSA
CURIYE . WAA . (MOHOLIN )