Puntland Oo Dagaalkii Tukaraq Ee Ay Somaliland Kula Jireen U Soo Raraya Laba Jiho Oo Kale

Kadib markii ay Puntland ku guuldaraysatay inay soo riixdo Cutubyada Ciidanka Qaranka Somaliland ee kulaalaya Magaalada Caasimada u ah Maamulka Puntland ee Garoowe ee ay ku guuldaraysteen Labadii jeer ee ay Weerarka ku soo qaadeen waxa ay hadda qorsheen sida wararku nagu soo gaadhayaan oo ay dagaalkii u soo rareen laba jiho oo kale oo Somaliland gudaheeda ah.

 

 

Warar lagu kalsoon yahay  ayaa noo xaqiijiyay inay Soomaaliya qorshaynayso inay Dagaalkii Tukoraq ee ay ku guuldaraysteen, islamarkaana ay Somaliland Guulaha ka gaadhay loo soo wareejiyo deegaamo ka tirsan Buuhoodle iyo dhinaca Gobolka Sanaag gaar ahaan Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo si loo wiiqo Horumarka ay Somaliland ka samaynayso Dhinaca Xuduuda ay la wadaagto Maamul Goboleeda Soomaaliyeed ee Puntland,oo ay maalmihii u dambeeyay ku sii siqayaan Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland. Waxa ay wararkani sheegayaan in qorshahani yahay mid dhamaystiran islamarkaana marka hore la doonayo in Jabhado Puntland taabacsan laga abuuro deegaamadan.

 

Waxa shalay illaa Doraad dhex wareegaalaysanaya Deegaamo Hoos yimaada Buuhoodle oo masaafo ahaa aad ugu dhaw Gobolka Togdheer ee Somaliland Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Cumar Camey, halkaasi oo muuqaalo laga soo duubay oo lagu baahiyay Mareegaha Wararka Buuhoodle iyo Garowe lagu sheegay inuu kulamo la qaatay odayaasha Deegaamadaasi iyo ururada Haweenka Buuhoodle,kuwaasi oo uu ka dalbaday inay gacan ka siiyaan Wax uu ugu yeedhay dagaalka Puntland ku xoraynayso Gobolka Sool ee Somaliland.

 

Waxa   dabaysay Muuqaalo laga baahiyay Safarka Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland lagu muujiyay Ciidamo Jabhad ah oo ay Gudoonsiiyeen Oday Dhaqameed reer Buuhoodleh ah kuwaasi oo uu doonayo inuu halkaasi dejiyo islamarkaana ay dagaal kaga soo furaan Somaliland,Waxaanay talaabadaasi qayb ka tahay Qorshaha ay Soomaaliya iyo Puntland ku doonayaan inay Dagaalkii Tukoraq ee ay ku fashilmeen u soo raraan Buuhoodle.

 

Warar kale ayaa sheegaya in Ciidamo Jabhad ah ay Soomaaliya ku ururinayso Deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag gaar ahaan meel la yidhaa Gaaf oo ka tirsan Degmada Ceel Afweyn, Waxaanay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay ay sheegayaan in Halkaasi uu soo gaadhay Gaadhi hub ah oo si toos ah uga soo shidaal qaatay Caasimada Maamulka Puntland ee Garowe. Xukuumadda Somaliland ayaa sida la sheegay isha ku haysa Dhaq dhaqaaq ka socda Gobolka Sanaag iyo Gacanta ay ku leedahay Soomaaliya,waxaana dhawaan la filayaa inay wax waliba dibada u soo baxaan oo la ogaado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker