Wasiirka Khaarajiga Somaliland Oo Gaadhay Wadanka Niger, + Ujeedka Safarkiisa

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Gaadhay Dalka Niger oo Dhaca Galbeedka Qaaradda Africa . Wasiir Faratoon oo wali ku Guda jira Safarkiisii Shaqo.

Warar laga helay socdaalka wasiirka ayaa sheegay in markii uu gaadhay wadanka Niger ay qaabileen dhigiisa dalkaasi Ibrahim Yacoubou iyo masuuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Dalka Niger .

Waxaana La sheegaya in  ujeedada ugu weyn ee Wasiir Maxamuud Yaasiin Faratoon  uu  U  tagay wadanka Niger ay tahay sidii uu shir doceedyo ula yeelan lahaa hogaamiyeyaasha wadamada Afrika ee ka qayb galaya shirka Wadamada Midawga Africa, si uu u gaadhsiiyo qadiyada somaliland.

Wasiir Faratoon ayey qorshaha ugu jirtaa inuu kulamo la qaato masuuliyiinta ay u suura gasho ee ka qayb galaya shirka, isaga oo dedaal ugu jira in hogaamiyeyaasha Afrika uu gaadhsiiyo fariimo la xidhiidha qadiyada somaliland.

 

Shirkan o0 ah shir aad u muhiima oo dhidibada Loogu Taagayo Suuq Ganacsi oo Xora. Afrikina u dhantahay.

Magiciisana Loosoo Gaabiyo (AfCFTA).

Waxa kaloo Sifiican Loo odorosayaa ama Lagu dejinayaa   halka fadhigoodu noqon doono guddida Midowga Afrika u qaabilsan suuqa xorta ah ee ganacsiga Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker