Trump Oo Soo Dhaweeyay “guusha” Uu Xisbigiisu Ka Gaadhay Doorashada.

USA-(OWN)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay guusha xisbigiisa oo ka soo hooyay doorashada xilliga dhexe, gaar ahaan aqalka sare.

Trump ayaa bartisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in xisbigiisu uu gaaray guul wanaagsan, waxa uuna dadka dalkaasi uga mahadceliyay guushaasi.

Xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa lagu soo waramayaa in uu helay aqlabiyadda uu u baahan yahay ee aqalka sare balse waxaa looga guuleystay aqalka wakiillada.

Toddobo xubnood oo aqalka Senetka ku matalayay xisbiga Dimuqraadiga ayaa loo malaynayaa in ay difaacdeen kuraastoodii gobollada waqooyi bari, deegaannadaasna waxaa ka mid ah Connecticut, Massachussetts iyo Pennsylvania.

Dhanka aqalka sare ama Senedka, 33 xubnood oo aqalka Senedka ah ayaa dhanka kalana loo loolamayaa, si xisbiga Dimuqraadigu uu u helo aqlabiyaddana, wuxuu u baahan yahay in uu ku guulaysto labo kursi oo Jamhuurigu horay u ugu fadhiyay.

Warbaahinta CBS ayaa sheegtay in xisbiga Dimuqraadigu uu kursi ka helay Virginia, kaa oo ay ku guuleysatay Jennifer Wexton ayaana ka guulaysatay.

36 gobol oo dalka Maraykanka ku yaalla ayaa sidoo kale dooranaya barasaabyo., waxaana aad la isugu hayaa labada gobol ee kala ah Florida and Georgia.

trump

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker