Qarax kale oo saaka lala beegsaday shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

Saaka aroortii ayaa gaari uu lahaa nin injineera oo ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud lagu qarxiyay dibadda gurigiisa oo ku yaala xaafadda Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca gawaarida lagu xiro ayaa qarxay wax yar uun ka hor inta uusan injineerku gaariga fuulin bannaanka gurigiisa. Lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa, waxase jira burbur soo gaaray gaariga.

Qaraxan ayaa noqonaya kii 13-aad ee lala beegsado shaqaalaha, gawaarida iyo xarumaha shirkadda tan iyo 7-dii Noofeembar markaas oo qaraxyadii ugu horeeyay lagu weerarray labo xarumood oo ku kala yaala Xero Jarmal iyo deegaanka tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarrada qaraxyada ah ee lala eeganayo danaha Shirakadda Hormuud.

Hay’addaha ammaanka ee Dawladda Federaalka ayaan sidoo kale ka hadlin dhacdooyinkan oo hadda socda muddo ku dhaw sedex bilood.

Xiriir aan la sameynay ilo ku dhawdhaw madaxda Shirkadda Hormuud ayaa BBC-da u sheegay in aanay garanaynin cid beegsanaysa, isla markaana aanay jirin cid arintan kala hadashay tan iyo markii ay bilowdeen qaraxyada lala beegsanayo.

Illaa hadda waxa la xaqiijiyay inta weerarradani socdeen in lagu dilay labo ka tirsan shaqaalaha, halka labo kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker