Madaxweyaha Djibouti Oo Xaruunta Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabilay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

Madaxweyaha Dalka Djibouti Md Ismaaciil Cumar Geelle, Ayaa Xaruunta Qasriga Madaxtooyadda Dalkaas Ku Qaabilay Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo Booqasho Ku Tagay Dalka Djibouti.
Madaxweyne Geelle, Ayaa Si Heer Sare ah Oo farxaddi Ku dheehan Tahay u Qaabilay Xildhibaanka Aqlabiyadda Golaha Wakiiladda Ee JSL Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Waxaanay Madaxweyaha Djibouti Md Ismaaciil Cumar Geelle Iyo Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Kaga Wadda hadleen Kulankooddan Arrimo Badan Oo Ay Ugu Horeyso Xidhiidhka Labadda Dal Ee JSL Iyo Djibouti. Waxaanu Madaxweyne Geelle Ugu Hambalyeeyey Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Guushii Uu ka Gaadhay Doorashaddii Golaha Wakiiladda Ee Somaliland Ka Dhacday 31-kii Bishii May Ee Sannadkan Aynu Ku jirno.
Afhayeenka Xisbiga WADDANI Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun, Ayaa Ahaa Xildhibaankii Guud Ahaanba Dalka JSL Ugu Codka badnaa Isagoo Kusoo Baxay Codod kor u dhaafaya 21 kun oo cod, Isla-markaana Siddaas ku haysta Hogaamin Aqlabiyadda Golaha Wakiiladda Ee JSL Ee Cusub.
Booqashaddan dalka Djibouti Ee Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka Xisbiga WADDANI, Ayaa noqonaysa Booqashaddii u horeysay ee Uu Dalka Dibeddiisa Ugu baxo, tan Iyo Markii La Soo Doortay.
Kulankan gaarka ah ee dhexmaray Afhayeenka Xisbiga WADDANI Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun Iyo Madaxweyne Geellaha Jabouti, Ayaa Kusoo dhammaaday jewi degan, Is-af-garad Iyo GUUL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker