Madaxweyne Barack Obama Oo Tilmaamay Sababta Lionel Messi Iyo Xulkiisa Argentina Ay Ugu Fashilmeen Koobabkii Adduunka Ee Ugu Danbeeyay

Argentina ayaa ku fashilantay inay ku guuleysato Koobka Adduunka iyagoo heysta Lionel Messi sababtoo ah uma ciyaaraan si koox ahaan ah, sidaasi waxaa aaminsan madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, sida ay qortay jariirada Isbaanishka ee

 

Xulka Argentina ayaa labo jeer ku guuleystay Koobka Adduunka laakiin waxba kuma aysan darin tan iyo koobkoodii ugu danbeysay ee 1986 inkastoo ay heystaan gooldhaliyahooda ugu sareeya ahna xiddig ku guuleystay Ballon d’Or shan jeer.

Argentina oo labo jeer oo isku xigta ku kuftay finalka Copa America ayaa Koobkii Adduunka ee 2018 waxa ay ku hareen wareega 16ka, iyadoo kii ka horeeyay ee Brazil lagu qabtay ay gaareen finalka.

 

Obama oo madaxweyne ka ahaa Mareykanka intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2017 ayaa ka hadlay Talaadadii waxa ugu wacan fashilka xulka Argentina.

“Xitaa dadka aan u aragno inay hanad yihiin waxay la shaqeeyaan dadka kale si ay horumar u gaaraan” ayuu Obama ka sheegay shirka EXMA Conference ee ka socsa magaalada Bogota ee caasimada Colombia.

“Xulka Argentina haddii aan tusaale u soo qaadano, inkastoo Messi uu cajiib leeyahay hadana waxa ay dhibaato ku qabaan hanashada Koobka Adduunka.

“Talada aan u soo jeedinayo dadka da’da yar ayaa ah inaan ogaano in dad aad u tiro yar ay kaligood meel sarre gaareen” ayuu yiri Obama oo ka hadlayay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta iyo in koox ahaan loo wajaho wax walba si guul degdeg ah loo gaaro.

Hadalka Obama ayaa imaanaya iyadoo Messi iyo xulkiisa Argentina ay iksu diyaarinayaan tartanka Copa America ee bisha soo socota ka furmaya Brazil.

Argentina waxa ay ku jirtaa Group B oo ay ku wehliyaan Colombia, Paraguay iyo Qatar oo koobka lagu martiqaaday.

Xulka Argentina ayaa kulan saaxiibtinimo waxa ay 7da bishaan Juun la ciyaarayaan xulka Nicarague ka hor inta aysan u duulin Brazil.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker