Gudoomiye Xaashi oo Aad u Canaantay Siyaasiyiinta Qurba jooga ah

Garowe (OWN) – Guddoomiyaha golaha waqtigu ka dhamaaday ee Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hadal ka jeediyey shirkii Shalay galabtii  lagu soo gabagabeeyey magaalada Garowe.

 

Ayaa ku dheeraaday ka hadalka dowladnimo Soomaaliyeed oo taaba gasha, isagoo soo qaatay gabayo iyo murti kale oo dadka uu ku guubaabinayo.

 

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in madaxda Soomaalida ay  ku yaryahay mid ilmihiisu ay dalka ka joogaan, isagoo su’aal geliyey sida ay ugu turayaan ilmo kale.

 

“Madaxda Soomaalida, imisa ayey caruurtoodu dalka joogtaa?… waxaan filayaa madaxda caruurtoodu ka maqan tahay ee dalka aan joogin in aysan u tureyn kuwa kale ee danta kursigooda ay waxay doonaan u sameynayaan,” ayuu yidhi guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

 

 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale goobta ka akhriyey gabay uu sheegay inuu tiriyey Abwaan Soomaaliyeed oo noo tilmaamaya qaninimada dalkeenna, oo sida uu sheegay aanaa warba u geyn.

 

 

Ugu dambeyntii Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa aad ugu mahad celiyey shacabka iyo madaxda dowlad goboleedka Puntland oo marti geliyey shirkan oo ah mid sanadle ah, isla markaana uu soo Agaasimay Machadka Heritage.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker