Khilaaf Culus iyo Xaalad Cakiran Oo Soo Waajahday Qoyska Boqortooyada Sucuudiga

Riyadh (OWN) Jariiradda Sunday Times ee London ayaa warisay xaalad argagax leh oo ay ku sugan yihiin Qoyska boqortooyada dalka Sucuudigu. Warbixintan oo uu qoray wariyaha majaladda Jariiradda Sunday Times ee Bariga Dhexe Louise Callahan, ayaa bilaabatay kaddib markii Amiir Salmaan bin Abdul Aziz bin Salmaan uu sheegay in isaga iyo tiro ka mid ah qaraabadiisa looga wacay qasriga boqortooyada ee Riyaad.

Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa  jiray muran dhexmaray iyaga iyo ilaaliyada dhaxal sugaha kuwaas oo garaacay Amii Salmaan kaddiba xiray oo aan mar dambe warkiisa la maqal.

Majaladda waxa ay farta ku godday in Amiirka Aabihiis sidoo kale la xiray laba maalmood dhacdadaas kaddib sida ay BBC-iyaduna xigatay.

Laakiin mas’uuliyiinta Sucuudiga waxa ay sheegeen in Amiir Salmaan uu ka mid ahaa 11 Amiir oo ka banaan baxay bixinta lacagta korontada ay isticmaalaan, sida wararka lagu helayo, taas oo ay mas’uuliyiinta reer Galbeedka ee kiiska wax ka og diideen in sababta dhabta ah tahay.

Qoraaga warbixinta waxa uu hoosta ka xariiqay in Bin Salmaan ku raaxeysanayo taageerada Aabihii, boqorka iyo Ammirada kale marka laga yimaaddo saameynta xasaraddii ka dhalatay kiiskii dilka Wariye Jamal Khashoggi ku yeeshay sawikiisa bannaanka.

Khashoggi lagu dilay Qunsuliyaddiisa Istanbul bishii October, arrintan waxaa uga daray warbixintii sirdoonka Mareykanka ay ku xaqiijiyeen in Bin Salmaan ku lug lahaa khaarajinta kaddiba ay xubnaha Congrees-ka ay Trump ka dalbadeen in uu kala xisaabtammo dhaxal sugaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker