Madaxa NATO oo sheegay in uu dhawaan booqan doono Turkiga si uu uga lahadlo xubinimada Sweden

Xulafada NATO ayaa isku raacay in Ukraine ay xubin ka noqoto, xoghayaha guud ee isbahaysiga Jen Stoltenberg ayaa sidaas yiri.

“Dhammaan xulafada ayaa isku raacay in Moscow aysan haysan diidmada qayaxan ee ka soo horjeeda ballaarinta Nato,” ayuu Stoltenberg ku daray, ka hor shir aan rasmi ahayn oo wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka aha NATO ku yeelanayaan Oslo.

Dhanka kale, Stoltenberg ayaa sheegay inuu booqan doono caasimadda Turkiga ee Ankara “mustaqbalka dhow” si uu u riixo dalabka xubinnimada Sweden.

Turkiga iyo Hungary ayaa ah dalalka kaliya ee NATO kamid ah ee aan wali ansixin dalabka xubinnimada Sweden.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker