Xukuumadda Somaliland Oo Hakisay Dhammaan Wadahadalladii, Wadatashiyadii Iyo Qorshe Hawleedyadii Khuseeyey Barnaamijyada Qaramada Midoobey Ee Somaliland

Somaliland ayaa illaa amar dambe oo aan waqtigiisa la caddayn waxa ay hakisay dhammaan barnaamijyadii uu xafiiska Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ka waday Somaliland.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka ayaa wareegto soo baxday Axaddii 25-ka Oktoobar oo uu ku socodsiiyey dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobey waxa uu ku wargeliyey hakinta lagu sameeyey dhammaan wadahadalladii, wadatashiyadii iyo qorshe hawleedyadii khuseeyey barnaamijyada Qaramada midoobey ee Somaliland.

Wasiirku qoraalkiisan kuma uu sheegin sababta hakinta hawlaha Qaramada midoobey ee Somaliland, laakiin waxa ay u badantahay in ay daba socoto heshiiskii xayndaabka iskaashiga horumarinta ee ay 15 kii Oktoobar Muqdisho ku wada saxeexdeen dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ballanqaaday in barnaamijyadeeda Soomaaliya ay ku salaynayso baahiyaha iyo kala mudnaysiinta dawladda Federaalku qorshayso.

Heshiiskaas ayaa ahaa mid saamaynaya dhammaan barnaamijyada horumarinteed ee ay qaramada midoobey ka waddo Somaliland iyo Soomaaliya oo ay ku jiraan dawladgobaleedyadeedu.

Golaha wasiirrada Somaliland oo kulan aan caadi ahayn isugu yimi 17 kii Oktoobar ayaa dood ay heshiiskaas Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ka yeesheen, waxa ay sheegeen in uu meel ka dhac ku yahay qarannimada Somaliland, isla markaana uu faragelin ku yahay arrimaheeda gudaha. Waxa aanu goluhu faray wasaaradaha ay arrimahaasi khuseeyaan in ay warbixin qoto dheer ka keenaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker