DIINTA CULIMADU FIDINAYAAN WAXAA KU LIDDI AH WAXAY FIDINAYAAN FANNAANIINTU

Waxaad arkaysaa in dhalinyarada somaaliyeed ee ku kala nool dalalka somalida ee kala  duwan leeyihiin oo qolo ku xidhantay culimada  somalida  kala qaataan cibaadada iyo barasha  sharciga eebo  ugu tala galay in dunidan  lagu noolaado oo side guusha ifka iyo aakhiroba lagu Gaadho. Waxaa jira qolo kala oo iyaguna badan oo Muslim  ku abtirsada oo dadkeeniiya laakiin  dacwada  ku Socota garaadkooda hadh  iyo  habeen  ay tahay mid aan sax ahayn oo ay hogaamiyaan fidiyaan fannaaniintu meel kasta ha joogaane Wadana mid ku liddi ah dhaqan ka diinta islaamka iyo cibaadada waxaana u qurxiya shaydaanka. Waxaa jirta qolo kale oo iyagu  heehaabaya oo labada  qolo midna aan ahayn laakiin  badi  looga gacan haadiyo  dhinaca ku dhaqanka  diinta islaamka  iyo dhinaca shaydaanka oo fannaaniintu iyo dada gaalada ah horkacayaan.

Waa markhaati  ma doon dhowaan waxay samaysay fannaanadda loo yaqaan Deeqa Afro oo la ogyey  inay haysato  jamaacad kummaankun  ah oo dhalinyaro  ah oon diinta  aqoon  u lahayn Diinta  Islaamka  dabadeed  gaalo  iyo shayaadiini u adeegsatay si qaldan oo ay Diiqi soo bandhigtay  arin qoto dheer  oo hubaal  la kasoo faray cadawga caanka ah ee gaalo iyo yuhuud soo abaabushay  laguna dagaalamayaan si diinta looga duwo  dhalinta  islaamka.
Waxay Fannaanada Deeqo Afro boqolaal Kun oo Muslim ah madaxoodii  gelisay figrad Aayadaha Quraanka  kasoo horjeeda oo ay madaxoodii  ku beertay  diin laaan oo ay hirgelisay khudawaatul shaydaan oo aanay dafiri  Karin  runtiina maal  bay ku qaadatay  inay sidaa fasho  ama ku hogaamiso  dhalinta soomaaliyeed we islaamka ah
WAXAY TIDHI MARKAAN DHINTO YAAN LA I AASIN  EE GEED HA LA I SAARO  SIDA MASKA OO KALE OO AASKII  ISLAAMKU JIDEEYEY SIDAA KU FASAQDO. WAXAA NA MICNUHU  YAHAY  HA MAQLINA  WAXA  CULIMADU  MASAAJIDKA  KA SHEEGAYAAN .ARINKANI  HADDII  AY SIDAA  KU SOCODSIISO IYADOON FALCELIN XUKUUMADUHU IYO MAAMULADA SOMALIDU   KA HOR IMAN. WAX KA XUN BAA KA DABA IMANAYA.  ARINTUNA WAY KA FOGTAY  FIGRAD  DEEQA AFRO KU DHALATAY EE CID BAA U SOO DHIIBTAY ISLAAMKA COLAADDA KULA JIRA. CULIMADA QUDHOODU WAA INAY XAALADDA TAAGAN AY MUXAADAROOYIN IYO SALAADAA JUMCAHA KALA KACAAN OO ARINTA DEEQO AFRO QAYLO DHEER KA DHIGAAN OONAY SIDII GOROYADA AANAY MARKA WAX DHACAAN MADAXA CIIDDA LA GELIN.
M BASHE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker