Saamileyda shirkadda Tesla oo wali kusii kalsoon Elon Musk

Saamiyada Tesla ayaa shalay hoos u dhacay 14%, iyadoo khilaafka u dhexeeya Elon Musk iyo Madaxweyne Trump uu si weyn u muuqday.

Warqad ahaan, shirkadda ayaa qiimaheeda khasaartay lacag dhan $150 bilyan (£110.7 bilyan).

Laakiin aan yar macnayno, qiimaha saamiyada Tesla hadda wuxuu ku dhow yahay meesha uu joogay bil ka hor – ka hor intii Musk aanu shaacin inuu ka tagayo shaqadiisa Aqalka Cad si uu ganacsigiisa usii wato.

Qiimuhu wuxuu hoos uga dhacay 25% bilowgii sanadkan, laakiin wuxuu kor u kacay 60% intii lagu jiray 12-kii bilood ee la soo dhaafay.

Ka dib doorashadii Mareykanka sanadkii hore, saamiyada Tesla ayaa si weyn u kacay, maalgashadayaashuna waxay ku khamaareen xidhiidhka dhow ee Musk la leeyahay madaxweynuha uu shirkadda u noqon doono faa’iido.

Faa;iidooyinkaas muddada-gaaban ayaa hadda ku dhow in gebi ahaanba u dhow kuwo khasaaray. Laakiin qiimaynta Tesla wali waa mid aad u sarreysa marka loo eego dakhligeeda.

Tani waa sababta oo ah saamileydu weli ku rejo weyn yihiin qorshayaasha Musk ee taksiyada iswada iyo robots-ka dadka u eg inay noqon doonaan guulo waaweyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker