Abwaan Dheglas Oo Bartiisa Facebook-ga Kaga Hadlay waxaa ka dhacaaya S/land oo ah falal la mid ah kuwii Ay umaddu hore u soo martay.
Abwaan Dheglas Oo Bartiisa Facebook-ga Kaga Hadlay waxaa ka dhacaaya S/land oo ah falal la mid ah kuwii Ay umaddu hore u soo martay.
Maalin kasta waxaan is idhaahda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxba sidaa hawgu sii tigaalin. hadana markasta waxaa ku muuqanaaya wax aad la-yaabto oo aad is odhanayso tolow ma ka badow-nimaa Mise Aqoon-daro weyn ayaa ka jirta Meeshani. Bal adba
Waxaanse aad uga sii fajacay falalka ay ku kacayaan Gacan-yarayaasha uu u soo xushay ee u qaabilsan dhinaca siyaasadda Iyo Qoyskiisa.
Waxaase dhacday inaad la-sii yaabayso maalin-kasta waxaa aad arkayso oo aad u badan.
Maantase waxay la yimadeen wax ka-sii daran waxii hore. Qaar-baa waxay yidhaahdeen waxaanu nahay dad aan xisbina ka tirsanayn cajiib oo laakiin reer Somaliland ah keliya ah. Waayahay waxaa taa ka daran waxii ay maalin kasta la yimadaan kuwii hore qaar ka daran.
Waxaase kuu muuqanaaya in farsamoyinka Madaxweyne S/land ay si cadaana uga dhex muqdaan cidkasta oo uu ka dhex-hadlaayo. waxaa la yidhi meyd maxaa u danbeeyey kaa la sii -sido : Waxaa shalay hadlay Maayarka Hargeysa oo uu weheliyo Wasiirka Howlaha guud. Bal u fiirso waxay umadda la hor- la horyimadeen, Shir jaraa.id
Ku lahaa : Madaxtooyadii cusbayd waa la wadaa. Laakiin looma soo dhawaan-karo. daaro dhaadheer lagama dhisi karo agteedda . oo Madaxweynaha Ayaa laga soo toogan karaa. waa Amar – degdega.
Falalka noocani ah markaad soo xasuusato. Waxa markiiba ku hor imanaaya xasuusihii hore ee dhiig-yacabyadii sida: Morgan : Waxaa jirtay in Guriga Madaxtooyada iminka oo markaasi amaradiisa sidan oo kale : Ay dhib ku hayn jireen dadka muwaadiniinta Somaliland siiba guryaha u dhow-dhow. Waxa lagu odhan jirey iyagana daqadaha hala xidho , lamana furi-karo markasta sababta waa lanaga soo toganayaaye.
Waxaa iyaduna ka sii horeysay ninkii Gaani markii uu dhisay Miiska saraakiisha ayaa wadadii ina naxar tegi jirtay . Waxuu isna yidhi Baabuur danbe mari- mayso Halkaasi ayey iga soo toogan karaan.
Waxaa iyaduna jirtey Abwaan Cali Seenyo Iyo Cali Gurey inay ka hadleen eedayna u soo jeediyeen Taliyaha Booliiska S/land , laakiin eedaynta Cali-seenyo wasiir ku xigeenka Arimaha gudaha wuu ka jawaabay. laakin waxaa calamatal su’aal la saari karaa sababta wasiir Maxamed Diiriye uu ugu jawaabi waayey Cali Gurey oo si toosa u cay laf jab & Quudhsi ku sheegtey Taliye Fadal: la soco : Wasiir ku xigeenka Iyo Cali-Gurey waa Qoyska Madaxweynaha.
Waxaa iyaduna ka sii daran oo aad loola sii yaabi karaa. Nin isaguna laaha waxaan ahay Ugaaska Beesha Madaxweynaha oo sir badan iyo ujeedada shirka kulmiye ee Boorame qarxiyay: Ugaaska Beesha Madaxweynaha ee yidhi Boqor Cismaan Buur-Madow ayaan u jawabayaa : Ayaa umadda Somaliland waxu u cadeeyey in xisbul xaakimkii kulmiye sidii Madaxweyne Muuse saaxada u soo galay isu bedelay xisbi ujeedooyin qabyaladeed xanbaarsan.

