Madaxweynaheennu miyuu isyeel yeelayaa mise waa ka bes?

Hargeysa (Danajire) Madaxweyne Muuse Biixi waxaa laga sugayey inuu xalliyo carqaladooyinka hortaagan qabsoomida doorashooyinka Golaha deegaannada iyo wakiillada oo si weyn u muddo dhaafay. Ha yeeshee illaa hadda wuxuu tahli kari la’yahay inuu go’aan ka gaadho carqaladooyinkaas, wuxuuna u muuqdaa inuu waajibaadkiisa cid kale ku riixayo.

Shacabka reer Somaliland waxay isweydiinayaan tolow maka bes baa mise wuu isyeel yeelayoo wuxuu isleeyahay sidan ayey kuugu badinaysaa mar haddii Golahani yahay muxaafid aan buuq badani kaga imanayn dhankooda.

Carqaladooyinka hortaagan qabsoomida doorashooyinka waxaa ugu weyn labo qodoboo ah: Saami-qebsiga gobolada iyo kala-dirista Komishanka doorashooyinka oo mucaaridku ku adkaysanayo. Dib-u-dhaca doorashadan wakiillada oo noqonaysa tii 4aad waxay dhaawac weyn u geysanaysaa geedi-socodkii xaqiijinta Qarannimo buuxda iyo ka digo-rogoshadii hab beeleedka.

Mar wax laga weydiiyey arrintan Guddoomiyaha Golaha wakiillada, wuxuu yidhi “Saami-qebsiga golahani kama gaadhi karo talo kama danbeysa”

Dhaliilahan ku geedaaman qabsoomidda doorashada Wakiillada oo ka mida waajibaadkii Madaxweynaha loo doortay; ayaa burinaya, kana dhigaya bar-kumataal iyo buun buunin suuqa la gashoo aanay waxba ka jirin, ammaantii Muuse Biixi la huwin jiray ee u dhignayd inuu yahay: hoggaamiye dhiranaan iyo go’aan qaadasho leh.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, kubaddu kolay madaxweynaha ayey ku jirtaa, Shacabka iyo Mucaaridkuna waxay ka dhur-sugayaan bal wuxuu kamadanbeysa la shiryimaado Madaxweynuhu.

Source: Danajire.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker