Allaylehe Bir-jeex waxa helay Bad-jeex: Hawl Galkii Taariikhda Galay ee Bir-jeex 1983-kii

“Bishu waa apriilToban bariyo laba

Bandhig ciidamadu Isu soo baxeen

Waxay bawar iyo baaruud hayeen

Badka soo dhigeen Askar lagala baxay

Wax la yidhi birjeex,waxa helay badjeex

Badh badhaadhnaydii ba’ay baa xigtaa

Boobow la yidhi”

Muj: Aadan Tarabbi jaamac 1983kii

Marka laga reebo furAshada C/laahi askar lagala baxay miiska sarakiisha waxay u ahayd fursad siyaasaded SNM oo markaas bilow ahayd,waxana dadka ka fuqay waran wayn farxad ayaa xigtay war warkii,sababtoo ah Taliska Siyaad barre waxa uu damacsanaa inuu ku dabaal dego 12 april oo ahayd maalinta Ciidanka Xoogga dalka inay ku dhawaqaan inay soo qabteen oo ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah sarakiishii shidaysay halganka.waxayna damacsanayeen inay si fool xun ugu toogtaan dadka hortooda taas oo ahayd dhaqanka xukuumadda Siyaad barre.

Hase ahaatee waxa arrintaas beeniyay 11 mujaahid  oo uu hoggaaminayay Ibraahim koodbuur kuwaas oo si naf hurid ah dagaalka uga dhex bilaabay Xarunta miiska sarakiisha Askartii iyo sarakiishii meesha joogtayna ka dhigay wax dhintay wax dhaawacmay iyo wax firxaday.muddo saacado gudohood ah Xarshin u talaabay iyagoo ku guulaystay hadafkii ay lahaayen si qurux badan.

Dhinaca mujaahidiinta waxa ka shahiiday 2 mujaahid,dhinaca kale Ciidankii police militario ama (koofiyad casta) ee miiska joogtay waxa laga dilay 11 isugu jira sarakiil iyo askar waxa ka dhaawacmay 9 askari kuwaas oo la geeyay Cisbitaalka wayn ee hargeisa habeenimadii 11/april 1983.sida ay sheegeen xogtii laga helay shaqaalihii Cusbitalka.

Taliyaha ciidanka siyaad barre ee Hargeisa ka talinayay waxa uu ahaa Gen,Maxamed Xaashi Gaanni oo lagu tilmamo ninkii ugu edeb iyo akhlaaq darnaa,ugu axmaqsanaa ugu khamri cab badna uguna Cay badnaa inta taariikhda la ogyahay dhowaan ayuu ku dhintay magaalada Nairobi,Haddaba waa kuwan 11mujaahid magacyadoodii oo dhamystiran:

1-Muj. Col-Ibraahim  Ismaciil  Maxamed (Koodbuur) Taliyihii hogaaminayay howlgalka waxa uu labbisnaa dirayskiisii iyo darajadiisii oo dhamystiran.1987 ayuu ku dhintay magaalada Rabasso waxanu u dhintay xanuun beerka ka asiibay waxa xusid mudan,maalintii ay Ciidankii siyaad barre maqleen geerida kood buur madaafiic damaashaad ah ayay ka rideen Magaalada hargeisa gaar ahaan xerada 24aad waa halka ay imika tahay xaafadda Maxamed Mooge.

2-Muj. C/salaan x.maxamed (Turki) wuxu ahaa mujahidkii ay wada socdeen C/laahi askar ka hor intii aan la qaban waxay hargeisa u soo galeen si dhuumasho ah iyagoo rabay inay Howl gallo ka fuliyaan.wuxu kaalin fir fircoon ka qaatay howl galka dib loogu furanayay Mr askar waxa uu ka mid yahay sadexda xubnood ee Nool.

3-Muj. Biixi X,Xassan Cilmi Allah ha u naxariisto waxa uu ku dhintay Miiska saraakiisha intii Howlgalku socday 11 april 1983kii

4-Muj. Siciid Cabdi yaasiin(siciid birjeex) waxa uu ahaa dirawalkii gaadhiga Toyota waday, Waxa uu ku dhaawacmay Howlgalka mar keliyana muu sheegin inuu dhaawac yahay waanu ka bogsaday dhaawacas waxa uu shahiiday 1988kii.

5-Siciid Axmed dhigane waxa uu ku dhaawacmay intii Howl galku socday bowdada ayay kaga dhacday lix saacadood ka dib ayuu geeriyoday waxa lagu aasay xarshin.

6Muj. Cabdi Ciid farax waxa uu ka mid yahay sadexda xubnood ee nool waxa uu degganyahay Gobolka sanaag degmada gar adag.

7-Muj. Aadan Maal Caqli waxa uu ka mid yahay sadexda xubnood ee Nool waxa uu degganyahay Hargeisa.

8-Muj. Saleban siciid (Saleban yare) oo ahaa ninkii ugu da’da    yaraa waxa uu dhintay 1988kii.

9-Muj. Axmed xuseen warsame (Malloosh) waxa uu dhintay 2002dii hargeisa ayuu ku dhintay.

10-Muj. Maxamed Xuseen geeddi (Kur libaax) waxa uu ku geeriyooday dagaalkii ugu danbeeyay ee Ber-Bera 1991kii

11-Muj. Ibraahim Maxamed carab waxa uu ahaa ninka labaad ee maalintaas ku labbisnaa dirayska ciidanka eek u labo ahaa Ibraahim Koodbuur,waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadka soo jeediyay in howlgalkaas la galo 1988kii ayuu shahiiday.

Howlgalka waxa tageerayay dad badan oo reer hargeisa ah hadday tahay Aqoonyahan,waxgarad,Ganacsato,si hoos ahaan ah waxa arrintan loo dilay Ismaciil sheikh muuse ducaale.

Sawirka hoose waxa la qaaday aroornimadii ay xarshin  galeen waxana ku wada jira 9kii soo bad baaday iyo Sarkaalkii la soo furtay C/laahi askar oo isku noqonaya 10.

Xigasho: Waxa laga qoray muj;cabdi Ciid Farax oo ka mid ah sadexda xubnood ee hadda nool.

https://www.facebook.com/runkasheeg/posts/sida-in-badan-lagaga-waramay-hawl-galkii-birjeex-ee-lagu-furtay-alle-ha-u-naxari/2041757102715112/

 

Rashiid Odowaa

Khadarsalaan@gmail.com

063-4101213

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker