Maraykanka Oo U Hanjabay Maxkamadda Adduunka Ee ICC+Maxay Tahay Sababtu.

Mareykanka ayaa Maxkamadda Caalmaiga ah ee Dambiyada ugu goodiyay in uu cunaqabatayn ku soo rogi doono hadii ay sii waddo dacwadda ka dhanka ee muwaadiniinta Mareykanka.

Maxkamadda ayaa haatan tix galinaysa in dacwad lagu qaado niman Mareykan ah oo tacaddiyo u geystay maxaabiis reer Afghanistan ah.

La taliyaha dhanka amniga ee Mareykanka John Bolton ayaa sheegay in Mareykanka uu sameyn doono waxkasta “oo uu ku difaacayo muwaadiniintiisa”.

Mareykanka ayaa ka mid ah waddamada aan sixiixin in ay ku biiraan Maxkamadda Caalamiga ah oo la aasaasay 2002.

Maxkamadda ayaa baadha oo cadaaladda hor keenta dadka ka mas’uulka ah xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah bini’aadanimada iyo dambiyada dagaalka.

Khudbad uu ka jeedinayay magaalada Washington ayuu Mr Bolton ku sheegay: “Haddii maxkamadda ay ka hor timaaddo Mareykanka, iskama aamusi doonno”.

Xaakimiinta iyo dacwad oogeyaasha ee ka hawl gala Maxakamadda ICC waxaa laga mamnuuci doonaa in ay soo galaan dalka Mareykanka sidoo kalana waxaa  laga cunaqabatayn doonaa lacagohooda u yalla Mareykanaka.

“Waxaan inagana ku dacweyn doonaa sharciga dambiyada ee Mareykanka. Waxaan sidaasi si la mid ah ku samyn doonnaa shirkadaha iyo waddamada Maxakamdda ICC ka caawinaya baadhintaanada ay ku sameeynayaan muwaadiniinteena”.

Xukun ay horey maxkamadda ICC ugu riday hogaamiye kooxeed oo la laalay
ICC oo 9 sano oo xabsi ku xukuntay nin ka tirsan Islaamiyiinta Mali
20 sano kaddib Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC, maxaa u qabsoomay?
Mr Bolton ayaa sidoo kale Falstiiniyiinta ku dhaleeceeyay tallaabooyinka ay Israel kaga dacweeeyeen Maxkamadda ICC, kuwaasi oo Israa’iil ku eedeeyay in Gaza ka gaysteen tacaddiyo dhanka bini’aadanka ah.

Maxkamadda ICC waxaa la aasaasay 2002

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker