Khasaaraha dhimashada ee duufaanta Freddy ee ku dhufatay Malawi oo gaartay 326

Tirada dadka ku dhintay duufaantii khasaaraha geysatay ayaa kor u dhaaftay 326, iyadoo in ka badan 200 oo kalena ay sheegeen mas’uuliyiinta in la la’yahay.

Waaxda xakameynta musiibooyinka dalkaas ayaa sheegtay in tiradu ay intaas ka sii badan doonto maaddaama meelaha qaar aan la tegi karin.

Waddooyinka badankood ayaa go’an halka ilaa 40,000 oo guryo ah ay gebi ahaanba burburiyeen daadad iyo dhul go’yo.

Saameynta duufaantan ayaa sii kordheysa, iyada oo Malawi ay durba la daalaa dhacayso daacuunkii ugu dhimashada badnaa taariikhda, kaasoo dilay in ka badan 1,600 oo qof tan iyo sannadkii hore kadib duufaanno xiriir ah oo ku dhuftay waddanka aan bad lahayn.

.
.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker