Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Booliska Soomaaliya Oo Ka Hadlay.

Qarax Jugtiisa si weyn looga maqlay Degmooyinka iyo xaafadaha Muqdisho ayaa caawa  ka dhacay Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho .

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay inta u dhexeysa Kpp iyo Suuqa Bakaaraha, waxaana dad goobjoogayaaal ah sheegeen in ay arkayeen uuro cirka isku shareertay oo uu qaraxu sababay.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Duudishe ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxa caawa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Afhayernka in ciidanka booliska Soomaaliya ay fashiliyeen qaraxa miino oo Al-shabaab ay ku tuureen waaxda Kacaan ee degmada Hodan.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in wax khasaaro uusan ka dhalan qaraxa, isagoona in ciidamada booliska Soomaaliya ay caawa baadhitaano ka wadaan halka uu qaraxa ka dhacay, islamarkaana ay xidheen goobta uu qaraxa ka dhacay.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa fashiliyay qarax miino oo ay argagixisadu ku tuureen Degmada Hodon, gaar ahaan Waaxda Kacaan dhabarka dambe ee Kaalinka Shidaakka ee HAAS, wax qasaaraha oo naf iyo maalba leh ma geysan. Ciidanka Boliiska ayaa goobta xidhay. “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker