Madaxwaynaha Farànsiiska Emanuel Macrone oo uu Asiibay Xanuunka Covid19

XAfiiska Looga Arimiyo dalka Faransiiska ee Ilezie ayaa Cadeeyay inuu Asiibay Xanuunka Covid19 Madacwaynaha dalkaasi Emanuel Macrone.

42- jirkan ayaa la sheegay in uu maray baadhitaan kadib markii lagu arkay Astaamo la mid ah kuwa cudurka, wuxuuna hadda kadib muddo 7 maalmood ah galayaa is go’doomin si aanu  dad kale u qaadsiin.

War murtiyeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Macron uu weli Xukunka sii haynayo, hawlihiisii shaqadana sidii Wadayo.

Faransiiska ayaa dhowaan soo rogey bandow xiliga habeenkii ah si loo xakameeyo cudurka.

Lama oga xilliga uu ku dhacay cudurka, balse xafiiskiisa waxa uu sheegay in la baadhayo dhammaan dadkii ka ag dhowaa oo dhan.

Ra’isul_wasaaraha dalkaa Jean Castex oo 55 jir ah ayaa isagana la sheegay in uu ku jiro is go’doomin iskiis ah kadib markii uu la kulmay qof xanuunka laga heley.

 

Warka madaxtooyada laguma sheegin in xaaska madaxweynaha Brigitte Macron, oo 67 jir a, iyadana laga heley xanuunka.

Maalintii arbacada oo keliya, Faransiiska waxa uu diiwaangaliyay 17 kun oo kiis oo cudurka  Covid19 ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker