Waa Kuma Soomaaliga Goobjooga u ahaa Dagaalladii sokeeyey ee Afghanistan, Suuriya, Liibiya iyo Yemen?

Dr Xuseen Yoonis Xasan waxa uu BBC-da u sheegay in uu 16 sano ka shaqeynayay arrimaha gargaarka bani’aadannimada, muddadaasna uu tagay dalal badan oo ay ka jireen colaado iyo xaalado adag.

Waxa uu goob joog u noqday dagaalladii sokeeye ee Yemen, Suuriya, Liibiya, Afghanistan iyo Soomaaliya. Sidoo kale Xuseen waxa uu kasoo shaqeeyay dalalka Kenya, Uganda, Itoobiya, Lubnaan, Tunisia, Masar iyo Rwanda.

Howlaha uu qabanayay Xuseen kuma koobneyn oo kaliya fulinta gargaarka bani’aadannimo balse waxa uu xitaa kaalin ka qaadanayay dadaallada lagu xaqiijinayay in waddada loogu furo howlaha lagu caawinayo dadka rayidka ah.

“Waxa aan si toos ah iyo si dadbanba wadahadallo ula galay hoggaamiye kooxeedyo, maleyshiyaad iyo kooxo iska soo hor jeeda oo ku dagaallamayay waddamada aan kasoo shaqeeyay qaar ka mid ah si ay u oggolaadaan marinno dadka dhibaateysan gargaarka lagu gaarsiiyo,” ayuu yiri.

Kooxaha uu hor fariista waxaa ka mid ah Xuutiyiinta Yemen, hoggaamiye kooxeedyada Liibiya iyo iyo kooxaha isaga soo hor jeeda dagaalka Suuriya, gaar ahaan xukuumadda Bashaar al-Asad iyo xoogagga Kurdiyiinta.

“Intii aan ka shaqeynayay arrimaha gargaarka bani’aadannimada waxa aan ka qayb galay in ka badan 32 shir oo caalami ah iyo kuwo heer goboleed, anigoo mid walba kusoo bandhigayay baahida loo qabo in ahmiyadda koowaad la siiyo dadka dhibaateysan ee ku nool waddamada ay xasaradaha bani’aadannimo ka jiraan.”

.

XUSEEN YOONIS

Dr Xuseen waxa uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan – xilligii ay la wareegayeen xoogagga kooxda Taliban – markaasoo uu dhowr jeer wareysiyo siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da. Balse markii dambe wuu ka tagay Afganistan.

Soomaaliya

Xilligii uu Soomaaliya ka shaqeynayay waxa uu ku howlanaa dardar galinta barnaamijka la dagaallanka xanuunka HIV/AIDS-ka.

“Horaantii sanadkii 2006-dii ilaa 2008-dii waxaan qayb muhiim ah ku lahaa dejinta siyaasadda lagu hormarinayay la dagaallanka HIV/AIDS.

“Waxaan kaalin ku lahaa dejinta qorsheyaasha ay Soomaaliya ku heleysay dhaqaale ay kula dagaallameyso cudurkaas, taasina waxay noo suuragalisay in aan markii ugu horreysay Soomaaliya usoo helno boos ay ku yeelato waddamada lacagaha ka hela hay’adda Global Find”.

Xuseen waxa uu sheegay in ugu dambeyn ay Soomaaliya ka hirgaliyeen xarumo lagu dabiibo dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka.

Howshooda waxaa barbar socday mashaariic talooyin iyo caawinaad xaga nolosha ah lagu siinayay dadka la nool xanuunkaas iyo carruurta waalidkooda ku waayay cudurkan. Sidoo kale in carruurta iyo dadka dan yarta ahba laga badbaadiyo inay noloshooda ku waayaan dhibaatooyin laga hortagi karo.

.

XUSEEN YOONIS

Dhanka kale Dr Xuseen wuxuu sheegay inuu kaalin ku leeyahay dadaalladii dhaqaalaha loogu raadinayay dhismaha dowlad goboleedyada Soomaaliya.

“Waxaan lasoo shaqeeyay beesha caalamka, gaar ahaan deeq bixiyeyaasha, sida safaaradda Ingiriiska iyo Midowga Yurub, anigoo isku dubaride ka ahaa barnaamij loo yaqaanno sanduuqa xasilinta Soomaaliya, kaasoo ay ku bahoobeen dhowr deeq bixiye oo ay UK hormuud ka ahayd ayna ku jireen Denmark, Norway, Swden, Jarmal, Holan, midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka.

“Waxaan sanduuqaas ka taageernay sidii dalka Soomaaliya loogfa hirgelin lahaa dowlad goboleedyada maanta ka dhisan, sidaas darteed waxaan anigu iskudubaride ka ahaa dhismihii baarlamaanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.”

Itoobiya

Intii uu Xuseen joogay Itoobiya waxa uu sheegay inuu ka fuliyay mashruuc loo yaqaanno “Wadahadalka Bulshada” oo ujeeddadiisu ahayd in la isku xiro bulshada ku kala nool miyiga iyo magaalada.

“Barnaamijkaas waxaa looga gol lahaa in kor loo qaado wacyiga dadweynaha ee la xiriira cudurka AIDS-ka oo faro ba’an ku haya Itoobiya, ayna jirto faham la’aan cudurka ku saabsan oo saameysay dadka ku nool dhulka miyiga ah.”

Uganda

Howlihii uu ka qabtay dalka Uganda waxaa u badnaa kuwo la xiriiray barnaamijka caafimaadka Iskuullada, kaasoo adeegyada caafimaadka ku fidinayay dugsiyada hoose/dhexe si ay carruurta u helaan adeegyo isugu jira nafaqeyn iyo la dagaallanka gooryaanka.

Adeeggaas ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayay xarumaha waxbarasho ee ku yaalla dhulalka ka fog magaalooyinka.

“Dadka reer miyiga ah waxaan u sameyneynay barnaamijyo kale oo ay ka mid yihiin sidii bulshada tuulooyinka ku nool loo siin lahaa tababarro ay ku bartaan xirfado ay noloshooda kor ugu qaadaan, sida in laga caawiyo wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo ganacsiga.”

Yemen

Markii ay dhacday dowladdii Cali Cabdalla Saalax ayuu Dr Xuseen Yemen u tagay si uu qeyb uga qaato caawinta dadka ku nool dhinaca waqooyi ee waddanka Yemen, kuwaasoo ay saameysay nafaqo darro iyo adeegyada caafimaad oo aad ugu yaraa.

“Waxaan xarumo caafimaad iyo kuwo nafaqeyn ah ka furay gobolladii ay aad u saameysay xaaladda nafaqa darro sida goboolada Xaja iyo Xudeyda.”

 

.

XUSEEN YOONIS

Kaddib markii ay maamulka Yemen la wareegeen kooxaha Xuutiyiinta waxaa sii xoogeystay xaaladaha bani’aadannimo ee ka jiray dalkaas, sidaas awgeedna waxa uu adeeggiisa kusii fidiyay dhinaca Bariga.

“Magaalada Tacis ayaan ka furay xarun saldhig u ah howlaha bani’aadannimo oo soo jiidatay indhaha caalamka maadaama magaaladaas ay saarneyd cunaqabateyn labo sano ah oo ay kusoo rogeen Xuutiyiinta. Halkaas waxaa isugu keenay dhammaan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada oo ka kala socday Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah.”

Intii uu ka shaqeynayay Yemen ayuu mararka qaar wadahadallo ku saabsan fududeynta gargaarka la yeeshay xoogagga iska soo hor jeeday.

“Waxaan gorgortan la galay Xuutiyiinta Yemen, kooxihii ka kala socday xisbigii Cali Cabdalla Saalax iyo xoogaggii wax iska caabinta ee ka jiray magaalada Tacis gudaheeda. Wadahallo socday lix bilood kaddib ku guuleystay in la furo waddooyin la mariyo adeegyada gargaarka.”

Suuriya

Waddanka Suuriya waxa uu ka fuliyay adeegyo la xiriira dhinaca fududeynta gargaarka loogu talo galay dadka rayidka ah ee ay colaadda sokeeye saameysay.

.

XUSEEN YOONIS

“Meelaha aan ka soo shaqeeyay dalka Suuriya waxaa ka mid ah magaalooyinka ay dagaalladu ku xoogganaayeen, sida Xalab, Xoms, Raqa iyo Darca. Dhammaan goobahan waxaa loo yaqaannay dhulka aan la gali karin.”

Isla sida Yemen uu ka sameeyay, waxa uu “wadahadallo la galay kooxaha ku dagaallamayay suuriya, si ay u oggolaadaan marinnada gargaarka bani’aadannimo”.

“Waxaan dadaal ku bixinaynay in aan sameyno wadaxaajoodyo lagu xaqiijinayo in gargaarka bani’aadannimo aan la siyaasadeynin.”

Liibiya

Liibiya shaqadii uu ka qabtay waxaa qayb ka ahayd gurmadka bani’aadannimo ee loo fidinayay dadka ku jiray goobaha lagu hayo tahriibayaasha badda laga soo qabto.

“Waxaan Liibiya ka hirgaliyay mashaariic adeegga caafimaadka lagu gaarsiinayay dadka tahriibayay ee lagu soo qabtay howlgalladii ay fulinayeen ciidamada Liibiya iyo kuwa Midowga Yurub. Sidoo kale waxaan adeegyo gaarsiinayay dhulka ay ku nool yihiin bulshooyinka la faquuqo ee Koonfurta iyo bariga fog ee dalka Liibiya.”

Afghanistan

Xuseen Yoonis waxa uu ku sugnaa magaalada Kabul markii ay gudaha u galeen xoogagga kooxda Taliban, oo magaaladaas gacanta ku dhigay markii ugu horreysay muddo 20 sano ah.

Inta uu halkaas joogay waxa uu BBC-da u sheegay in xaaladdu ay ahayd mid aad u argagax badan, iyaguna ay ku jireen gawaarida aysan rasaasta karin.

Muddadii dhowr iyo tobanka sano ahayd ee uu Xuseen waday howlaha bani’aadannimo waxa uu sheegay inuu wajahay khataro badan oo isugu jiray isku dayo dil, halis afduub iyo dhibaatooyin kuwaas la mid ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker