Israel oo lagu qaaday Weeraro dhanka Internetka ah iyo saamaynta ay ku yeesheen

Weerar dhanka internet-ka ah oo lagu qaaday Gudaha Israel ayaa sababay – fiidnimadii xaaly in – mareegaha muhiimka ah ee Israel, oo ay ku jiraan Maamulka Garoomada Diyaaradaha iyo Maamulka Warbaahinta Dadweynaha, ay shaqada ka maqnaadaan muddo gaaban, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.
Hay’adda Duulista Hawada Israa’iil ayaa sheegtay in mareegaha ay ku leeyihiin internetka la weeraray iyadoo waxyeelo la soo gaadhsiiyey sida ay sheegtay Hay’ada Duulistu balse aan gabi ahaanba la jabsanin oo aan lala wareegin,
halka telefiishanka rasmiga ah ee “Kan” iyo TV-ga Channel Nine ay sheegeen in mareegaha ay leeyihiin ay hawada ka maqan yihiin muddo kooban ka dib markii lagu qaaday weerar dhanka Internetka ah.
Israel waxa ay shaaca ka qaaday in koox burcad ah oo Ciraaqi ah oo daacad u ah Iran ay ka dambeeyeen weerarka.
Wakaalada Anadolu oo soo xiganeysa wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sheegtay in kooxaha jabsaday shabakadaha Israel ee weerarka gaystay ay sheegeen in weerarku uu ahaa mid loogu aargudayay dilkii loo geystay taliyihii ciidamada Iran ee Qassem Soleimani.
Milateriga Mareykanka ayaa ku dilay Soleimani weerar gantaal ah meel u dhow garoonka caalamiga ah ee Baqdaad January 3, 2020.
Badhtamihii bishii March ee ina dhaaftayna, weerar dhanka internet-ka oo qarsoodi ah ayaa sababay in mareegaha wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee Israa’iil ay shaqada ka maqnaadaan muddo gaaban.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker