Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay hubka galay gacanta maleeshiyaadka in lagala shaqeyo soo celintooda
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay hub la sheegay in uu ka soo galay Soomaaliya dhinaca Itoobiya.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha ayaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ay shalay gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci-darada kasoo galiyeen dhinaca Itoobiya iyagoo dhanka gobalka Galguduud soo mariyay.
Wasaaradda sidoo kale waxay sheegtay in hubka ay qabteen hay’adaha amniga ay maleeshiyaad hubaysan jidka u galeen taasina waxay sababtay in qaar ka mid ah hubka uu galo gacanta maleeshiyaadkaas.
Warka ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka xuntahay kana go’an tahay in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda, talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas.
Dowladda ayaa ka dalbatay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka in ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas.