Qaabkee ayuu Gudaha Garoonka ku Galay Qofkii Isku Qarxiyay Koonfurta Gaalkacayo

Gaalkacyo (OW ) – Waxay faah faahin ka soo baxeysaa weerar ismiidaamin ahaa, ee gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ismiidaaminta ayaa ka dhacday Afaafka hore Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdullaahi Ciise, xilli loogu diyaargaroobayay in lagu soo dhaweeyo wafdiga Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Shalay Galabtii gaadhay magaaladaasi.

 

Maadaama la baadhayay dadkii gelaayay Garoonka Cabdullaahi Ciise, ee doonaayay inay ka qayb qaataan soo dhaweynta wafdiga Ra’iisal Wasaaraha,

 

Ayuu qofkii isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay Saraakiil ka tirsaneyd Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo xilligaa ku sugnaa afaafka hore ee garoonkaasi.

 

Afhayeenkii hore ee Maamulka Galmudug, Maxamed Xasan Sahal oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in ninka is qarxiyay uu salaamay Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan, Taliyihii Kumaandooska Danab ee Qaybta 21aad, ilbidhiqsiyo ka hor, intii aanu is qarxin.

 

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ninkaasi ay is garanayeen Saraakiisha qaarkood, waana tan sahashay in si fudud uu ku soo dhex qaado, isla-markaana uu bartilmaameedsado xubnahaasi sar sare.

 

Inta la ogyahay toban qof oo u badan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka in ka badana ay ku dhaawacantay.

 

Saraakiisha ku dhimatay weerarkan ayaa laga xusi karaa Taliyihii Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Qooje),

 

Taliyihii Kumaandooska Danab ee Qaybta 21aad, Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan, Taliye Kuxigeenkii Kumaandooska Danab, Marsha Mire, Sarkaal kale oo ka tirsanaa Qaybta 21aad,

 

laguna magacaabi jiray Axmed Baaraaf, Duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumey iyo dhawr askari oo kale.

Sidoo kale waxaa jira tiro dad ah oo dhaawac ahaan loo geeyay goobaha caafimaadka, balse markii dambe ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaadhay.

 

Weerarkan ayaa damaashaadkii ka jiray Garoonka Cabdullaahi Ciise u bedelay mid jahwareer ah, iyadoona ay is dhex yaaceen boqolaalkii qof ee ku sugnaa garoonkaasi, sababo ku aadan iyagoo daryankii qaraxaasi ku argagaxay.

 

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka uu dhiigga badani ku daatay ee ka dhacay magaalada bartamaha dalka dhacda ee Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa cambaareeyay falkan argagixiso.

 

Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilaa inaanay dersi ka kororsan qarax illaa qarax kale, xilli qaraxba qaraxa kale uu ka soo yeerayo dhawaq dadka argagax-gelinaya, marka aad eegto xubnaha muhiimka ahi ee ku dhimaneysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker