Mareykanka iyo Kenya oo isku qabtay arrin ku saabsan Soomaaliya

 

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in xiisadda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay samayn  ku yeelatay howlgaladda dhanka cirka ee ka dhanka maleyshiyada Al-Shabaab, sida ku Susan warbixin lagu daabacay majalada New York Times.

 

Caqabadan ayaa si gaar ah waxay u soo ifbaxdey markii maamulkii Donald Trump uu askarta Ameerikaanka ah ee joogay Soomaaliya u wareejiyay Kenya ido Jabuuti halkaasoo wali ku sugan yihiin.

Jariiradda ayaa intaas ku dartay in mudadii xiisadu jirtay diyaaradaha drones-ka Mareykanka loo diidey in ay u soo gudbaan hawada Soomaaliya, waxaana ay ku dhiiran waayeen in ay jebiyaan amarkaas.

Into xiisadda diblumaasiyeed ay xoogeysatay, Muqdisho iyo Nairobi waxay is-dhaafsadeen talaabooyin u muuqdey aargoosi kuwaasoo ku wajahan xayiraadyo dhanka duulimaadyadda ah iyo in diyaarad kazoo baxdey lambada waddan aysan dul-mar karin hawada labadda dal.

Sida ay warisay majaladda New York Times, ciidamada Mareykanka ee u wareegay saldhiga dhaca xuduudka Soomaaliya iyo Kenya oo kamid ah fariisimaha Al-Shabaab kasoo abaabulaan xuduudka waxaa caqabad ku noqdey xiisada diblumaasi ee laba dal.

Tani ayaa, sida ku cad warbixinta, waa sababta bilooyinkii lasoo dhaafay aysan wax howl gal ah ciidanka Mareykanka uga fulin gudaha Soomaaliya oo ay ugu dambeysay maalin kahor caleema-saarka Joe Biden kahor inta aysan Talaadadii shalay ahayd qaadin weerarkii koowaad.

“Soomaalida iyo Kenyaanka ayaa isku khilaafsan arrimo dhowr ah, oo ay ka mid tahay lahaanshaha saddexagalka biyaha saliidda

 

qaniga ku ah ee Badweynta Hindiya. Bishii May, diblomaasiyiin ka socda Qatar ayaa dhex dhexaadiyay labada dal waxayna u muuqdeen inay heshiis gaadheen,” ayaa la raaciyey warbixinta Jariiradda.

 

Qormadda ayaa raacisay: “Laakiin wax yar ka dib xidhiidhkii mar kale ayuu xumaaday, Soomaaliyana waxay joojisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Kenya, oo ay ku jiraan kuwii ku lug lahaa diyaaradihii militariga Mareykanka ee fadhigoodu ahaa Manda Bay, ee waqooyiga Kenya, kuwaasoo loogu talagalay inay fuliyaan howlgalada argagixiso la dirirka”.

 

“Duulimaadyada diyaaradaha ayaa dib loo bilaabay. Laakiin sarkaalka Mareykanku wuxuu sheegay in sidoo kale diyaaradaha militariga Mareykanka loo diiday in ay u gudbaan Soomaaliya intii uu socday is-maan-dhaafka – caqabad ku qancisay qorsheeyayaasha militariga in aanay  si gaar ah ugu tiirsanaan karin saldhigyada ay ku leeyihiin Kenya howlahooda Soomaaliya,” ayaa lagu soo xidhay warbixinta wargeyska.

 

Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku haya arrimo ay kamid tahay dacwad hortaala maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ taasoo aad loo dhowrayo in go’aan kama dambeys ah ay kasoo saarto qaddiyadan kadib markii ay soo gabagabeysay dhageysiga galmaqalka labadda qaranba.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker