Taalibaan oo ‘faragelin’ ku tilmaantay qeyla-dhaan ka dhalatay xukunnada dilka iyo karbaashka ah

Dowladda Taalibaan ee Afghanistaan ayaa Khamiistii si kulul uga soo horjeestay qaylo dhaan caalami ah oo ku saabsan dhaqan-gelintii ugu horeysay ee xukun dil ah iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, waxayna ku tilmaantay “canaan iyo faragelin” lid ku ah arrimaha gudaha dalkeeda.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhaleeceyntan ay tahay “nasiib darro” faham la’aan iyo cilmi baaris la’aanta Islaamka iyo Afgaanistaan, waxaana uu sheegay in inka badan 99% dadka Afghanistan ay yihiin Muslimiin.

“Wax badan ayay u hureen sidii shareecada Islaamka dalka looga hirgelin lahaa,” ayuu yiri Mujaahid.

Arbacadii, Taalibaan ayaa fulisay xukunkii ugu horeeyay ee dil ka dhacay meel fagaare ah tan iyo markii ay la wareegeen awoodda sanadkii hore, iyagoo dilay nin dil lagu xukumay, taas oo dhalisay carada difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee caalamka.

Mareykanka ayaa dilkan ku tilmaamay mid ‘cambaareyn mudan.’

Xukunka dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay garoon ciyaaraha lagu ciyaaro oo ku yaalaa galbeedka gobolka Farah, halkaasi oo madaxda ugu sarreysa Taalibaan ay ka mid ahaayeen boqollaal dadweyne ah oo u daawasho tagay.

Saraakiisha ayaa sheegay in xukunka oo uu fuliyay aabbaha dhalay dhibbanaha uu ahaa mid waafaqsan “qisas”, sharciga Islaamka oo dhigaya in qofka loo ciqaabo si la mid ah sidii dhibanaha loo dilay.

Mujahid ayaa difaacay xukunka dilka ah ee lagu fuliyo dad shacab ah, wuxuuna sheegay in adduunka oo dhan oo Yurub iyo Mareykanku ay ka mid yihiin uu ka jiro dilka qofkii qof dila.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, maamulka Taliban ayaa sidoo kale ku karbaashay tobannaan rag iyo dumar ah garoomada kubadda cagta oo dadku ku badan yihiin oo ku yaalla meelo badan, oo ay ku jirto caasimadda Kabul, iyagoo ku eedeeyay inay galeen “dambiyo anshaxeed” sida sino, tuugonimo, ka cararid guryahooda iyo ‘xiriir aan sharci heyn.”

Maalintii Khamiista, Maxkamada Sare ee Taalibaan ayaa ku dhawaaqday in la karbaashay dad gaaraya 27 maxbuus oo ay ku jiraan sagaal haween ah, gobolka Parwan, oo qiyaastii 50 kiiloomitir waqooyi ka xiga caasimadda Afghanistaan. Waxay Taalibaan sheegtay in “dambiilayaashu ay qirteen” dambiyada ay galeen, iyaga oo aan la khasbin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker