Ciyaar yahanad xijaabku ka dhacay oo ciqaab adag la kulantay

Guriga qoyska ciyaar yahanadda, Elnaz Rekabi, ee reer Iran, ayaa lagu soo waramayaa in la dumiyay.

Rekabi, oo 33 jir ah, ayaa jebisay xeerka labiska ee dalka Iran, markii ay iyada oo madax qaawan ku tartamaysay tartan fuulista goobaha, oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Elnaz, ayaa markii dambe raali gelin ka bixisay in xijaabkeedu uu u dhacay “si aan ula kac ahayn”.

Warbaahinta BBC-da, ayaa ogaatay in raalli gelinta Rikabi ay ahayd mid “lagu qasbay”.

Rikabi ,ayaa noqday geesiyad ay indhaha ku hayaan dad badan oo reer Iran ah, xilli dalkaasi ay ka dhaceen dibadbaxyo loogga soo horjeedo waajibka ah in ay xirtaan xijaabka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker