Jubaland oo ku dhawaaqday inay qorsheyneyso dagaal ka dhan ah Al-Shabaab
Maamulka Juballand ayaa sheegay inay qorsheynayaan dagaal ka dhan ah ururka Al-Shabaab, si ay ugu saaraan deegaanada ka tirsan maamulkaas ee ay gacanta ku hayyaan.
Hadalkan ka soo yeeray Juballand ayaa imanaya xili gobollada dhexe ee dalka ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Wafdi ay hogaaminayeen madaxweynaha Juballand iyo wasiirka gaashandhigga ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay ciidamada ka qeyb gali lahaa dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Haddaba xog intaas dhaafsan, waxaan weydiinnay, Wasiirka warfaafinta Juballand, Suleemaan Maxamed Maxamuud oo u warramay Siciid Xassan Anteeno.