Duufaanta Florence Oo Khasaare Xooggan Ka Geysatay Mareykanka.

USA-(OWN)-Waxaa sii kordhaya xaaladaha adag ee dhanka nolosha ee ka dhalatay musiibadii ka dhacday Gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka,kadib markii halkaasi ay duufaan xoogan ku dhufatay.

Guddoomiyaha Gobolkaasi North Carolina Roy Cooper oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay dhaliyeen daadadkaasi,waxaana uu ka digay dadku in ay ka fogaadaan meelaha daadadku ay ku xooggan yihiin sida waddooyinka.

Inkastoo ay sii yaraanayso awoodda duufaanta Florence ee xeebaha ku dhufatay Jimcihii haddana roobab mahiigaan ah ayaa ka dhashay waxayna ku sii wajahan yihiin North iyo South Carolina.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatay dhacdooyinka duufaanta la xidhiidha,toban dadkaas ka mid ah waxay ku dhinteen North Carolina halka shan kalana ay ku dhinteen South Carolina,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maamulka ee gobolladaas.

Xarunta Qaran ee Duufaannada ee Mareykanka ayaa sheegatay in ay hoos u dhacday Duufaantan loo yaqaanoo Florence, balse daadadka iyo wabiyada karkaarrada jabsaday ayaa saamayn baaxad leh ka sii gaysan doona qaybo badan oo gobolladaasi ka mid ah.

Waxaa sidoo kale Xarunta Qaran ee Duufaannada ay sheegtay in Dabaylaha ay ku socdaan 55km saacaddiiba,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta waadxaasi qaran ee duufaanta dalka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo NHC,waxaa sidoo kale jira khasaare xoogan oo hantiyadeed.

Maamulka Gobolka North Carolina ayaa sheegay in gobolka uu haatan wajahayo halistii ugu badnayd,waxaanu muujiyay in loo baahanyahay gargaar dheeraad ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker