Xildhibaan Fashiliyey Bambo Lagu Soo Dhex-tuuray Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (OWN)- Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si qoto-dheer u qaadaa-dhigay qodobbada uu ka kooban yahay Xeerka Shirkadaha Caymiska oo xilligan horyaalla isla markaana ay ka doodayaan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaanku waxa uu xeerkan ku tilmaamay Bambo lagu soo dhex-tuuray Golaha Wakiillada isla markaana meel-ka-dhac ku ah sumcadda iyo masuuliyaddii loo igmaday mudaneyaasha Golaha Wakiillada, maadaama oo aanu xeerku ahayn mid dhammeystiran oo qeexaya waajibaadka iyo masuuliyadda shirkadaha Caymiska iyo xuquuqda ay leeyihiin dadka shacabka ah ee Xoolahooda iyo nafahooda la Cayminayo.

Waxa uu xildhibaanku fashiliyey boogaha sharci ee ku dhex-qarsoon xeerka Shirkadaha Caymiska oo uu ku tilmaamay inuu u adeegayo cid gaar ah isla markaana dhaqaale loogu abuurayo shaqsiyaad damacsan inay si fudud u taajiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker