” Dad badan laga soo badbaadiyay Hotel Afrik Ee Muqdisho “: Booliska Soomaaliya

Taliska booliska Soomaaliya ayaa ayaa  sheegay in Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Hotel Afrik oo ku yaala agagaarka KM4, wadada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Duudisho ayaa sheegay in qaraxyada iyo weerarka kadib ay goobta gaadheen ciidamada booliska Soomaaliya, islamarkaana waxaa ay gudaha u galeen Hotelka, iyagoona bilaabay inay dadka soo badbaadiyaan.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in weli howlgalka uu socda “Galabta abaare 17:00, ayeey argagixisadu weerartay Hotel Afrik, oo ku yaala agagaarka KM4, Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde, Ciidanka Boliiska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa”

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ay soo badbaadiyeen Saraakiil Ciidan iyo ganasato oo ku sugnaa Hotelka weerarka lagu soo qaaday.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker